Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Anaam Ayahs #150 Translated in Somali

وَعَلَى الَّذِينَ هَادُوا حَرَّمْنَا كُلَّ ذِي ظُفُرٍ ۖ وَمِنَ الْبَقَرِ وَالْغَنَمِ حَرَّمْنَا عَلَيْهِمْ شُحُومَهُمَا إِلَّا مَا حَمَلَتْ ظُهُورُهُمَا أَوِ الْحَوَايَا أَوْ مَا اخْتَلَطَ بِعَظْمٍ ۚ ذَٰلِكَ جَزَيْنَاهُمْ بِبَغْيِهِمْ ۖ وَإِنَّا لَصَادِقُونَ
Kuwa Yuhuudda ah waxaan ka reebnay wax kastoo Ciddi leh, Lo'da iyo Adhigana waxaan ka reebnay Baruurtooda, waxay Dhabarka ku qaadaan (Baruurta Dhabarka) mooyee, ama Uur ku Jirta ama wixii ku Dheehan Laf, saasaana ku Abaal marinay Dulmigooda Dartiis, Runbaana Sheegaynaa.
فَإِنْ كَذَّبُوكَ فَقُلْ رَبُّكُمْ ذُو رَحْمَةٍ وَاسِعَةٍ وَلَا يُرَدُّ بَأْسُهُ عَنِ الْقَوْمِ الْمُجْرِمِينَ
Hadday ku Beeniyaan waxaad dhahdaa Eebihiin war Naxariis badane lagamana Celiyo Ciqaabtiisa qoomka Dambiilayaasha ah.
سَيَقُولُ الَّذِينَ أَشْرَكُوا لَوْ شَاءَ اللَّهُ مَا أَشْرَكْنَا وَلَا آبَاؤُنَا وَلَا حَرَّمْنَا مِنْ شَيْءٍ ۚ كَذَٰلِكَ كَذَّبَ الَّذِينَ مِنْ قَبْلِهِمْ حَتَّىٰ ذَاقُوا بَأْسَنَا ۗ قُلْ هَلْ عِنْدَكُمْ مِنْ عِلْمٍ فَتُخْرِجُوهُ لَنَا ۖ إِنْ تَتَّبِعُونَ إِلَّا الظَّنَّ وَإِنْ أَنْتُمْ إِلَّا تَخْرُصُونَ
Waxay Odhan kuwii Gaaloobay Hadduu Eebe Doono, maanaan Gaalowneen Anaga iyo Aabayowganno, waxna maanaan Xarimneen saasayna u Beeniyeen kuwii ka horreeyey intay ka Dhadhamiyaan Ciqaabtanada, waxaad dhahdaa Agtiinna Cilmi mayahay aad noo soo Bixisaan (Muujisaan) waxaan malo ahayn ma Raacaysaan waxaadna uun tihiin Beenaalayaal,
قُلْ فَلِلَّهِ الْحُجَّةُ الْبَالِغَةُ ۖ فَلَوْ شَاءَ لَهَدَاكُمْ أَجْمَعِينَ
Waxaad Dhahdaa Eebaa iska leh Xujada Wayn, hadduu doonana wuu idin Hanuunin Dhammaan.
قُلْ هَلُمَّ شُهَدَاءَكُمُ الَّذِينَ يَشْهَدُونَ أَنَّ اللَّهَ حَرَّمَ هَٰذَا ۖ فَإِنْ شَهِدُوا فَلَا تَشْهَدْ مَعَهُمْ ۚ وَلَا تَتَّبِعْ أَهْوَاءَ الَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا وَالَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِالْآخِرَةِ وَهُمْ بِرَبِّهِمْ يَعْدِلُونَ
Waxaad Dhadaa keena Markhaatgiina idiin Marag Furi in Eebe Reebay kan (aad Reebteen) hadday Marag Furaan ha marag furina la Jirkooda, hana raacina hawada kuwa Beeniyey aayaadkanaga, kuwaan Rumaynin Aakhiro Iyaguna Eebahood waxbay la simman.

Choose other languages: