Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Baqara Ayahs #67 Translated in Somali

وَإِذْ أَخَذْنَا مِيثَاقَكُمْ وَرَفَعْنَا فَوْقَكُمُ الطُّورَ خُذُوا مَا آتَيْنَاكُمْ بِقُوَّةٍ وَاذْكُرُوا مَا فِيهِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ
Xusa markaan idinka qaadnay ballan (adag) oo korkiina yeelay (Buurta) Dhuur oon idinku nidhi ku qaata waxaan idinsiinay niyad adag, xusuustana waxa ku sugan, si aad u dhawrsataan.
ثُمَّ تَوَلَّيْتُمْ مِنْ بَعْدِ ذَٰلِكَ ۖ فَلَوْلَا فَضْلُ اللَّهِ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَتُهُ لَكُنْتُمْ مِنَ الْخَاسِرِينَ
markaasaad jeedsateen intaas ka dib, hadduusan jirin fadliga Eebe ee korkiina iyo naxariistiisa waxaad ahaan lahaydeen kuwa Khasaaray.
وَلَقَدْ عَلِمْتُمُ الَّذِينَ اعْتَدَوْا مِنْكُمْ فِي السَّبْتِ فَقُلْنَا لَهُمْ كُونُوا قِرَدَةً خَاسِئِينَ
dhab ahaanbaad u ogtihin kuwii xadgudbay Sabtida, oo idinka mid ah markaasaan ku nidhi noqda daanyeer la fageeyo (oo dullaysan).
فَجَعَلْنَاهَا نَكَالًا لِمَا بَيْنَ يَدَيْهَا وَمَا خَلْفَهَا وَمَوْعِظَةً لِلْمُتَّقِينَ
waxaana kayeelay ciqabtaas waanada waxa ka horeeya iyo wax ka danbeeyaba, iyo waano kuwa dhowrsada.
وَإِذْ قَالَ مُوسَىٰ لِقَوْمِهِ إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُكُمْ أَنْ تَذْبَحُوا بَقَرَةً ۖ قَالُوا أَتَتَّخِذُنَا هُزُوًا ۖ قَالَ أَعُوذُ بِاللَّهِ أَنْ أَكُونَ مِنَ الْجَاهِلِينَ
xusa markuu ku (yidhi) (Nabi) Muuse Qoomkiisa Eebe wuxuu idin fari inaad gawraedaan sac, waxayna dheheen miyaad nagu jees jeesi, wuxuuna yidhi waxaan ka magangali Eebe inaan ka mid noqdo Jaahiliinta.

Choose other languages: