Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Hadid Ayahs #19 Translated in Somali

فَالْيَوْمَ لَا يُؤْخَذُ مِنْكُمْ فِدْيَةٌ وَلَا مِنَ الَّذِينَ كَفَرُوا ۚ مَأْوَاكُمُ النَّارُ ۖ هِيَ مَوْلَاكُمْ ۖ وَبِئْسَ الْمَصِيرُ
Maanta (Qiyaamada) laydin kama aqbalo is furasho idinka iyo kuwa Gaaloobay midna, Hoygiinnuna waa Nar waadna mudataan, meel loo hoydana iyadaa u xun.
أَلَمْ يَأْنِ لِلَّذِينَ آمَنُوا أَنْ تَخْشَعَ قُلُوبُهُمْ لِذِكْرِ اللَّهِ وَمَا نَزَلَ مِنَ الْحَقِّ وَلَا يَكُونُوا كَالَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ مِنْ قَبْلُ فَطَالَ عَلَيْهِمُ الْأَمَدُ فَقَسَتْ قُلُوبُهُمْ ۖ وَكَثِيرٌ مِنْهُمْ فَاسِقُونَ
Miyayan u dhawaanin kuwa xaqa rumeeyay inay u khushuucdo quluubtoodu xusidda Eebe (Quraanka) iyo waxa xaqa ah ee dagi, oyna la mid noqonin kuwii Kitaabka la siiyay horay (Yahuud iyo Nasaaro) oo muddadu ku dheeraatay, markaas ay ingagtay Quluubtoodu, wax badan oo ka mid ahna waa Faasiqiin (ka baxay Xerada).
اعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ يُحْيِي الْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَا ۚ قَدْ بَيَّنَّا لَكُمُ الْآيَاتِ لَعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ
Ogaada in Eebe nooleeyo Dhulka dhimasho ka dib, wuuna idiin caddeeyay Aayaadka si aad wax u kastaan.
إِنَّ الْمُصَّدِّقِينَ وَالْمُصَّدِّقَاتِ وَأَقْرَضُوا اللَّهَ قَرْضًا حَسَنًا يُضَاعَفُ لَهُمْ وَلَهُمْ أَجْرٌ كَرِيمٌ
Ragga wax Sadaqaysta iyo Haweenka wax Sadaqaysta oo Eebana Amaah wanaagsan Amaaahiya (waa Sadaqada) waa loo laablaabi, waxayna leeyihiin Ajri sharaf leh.
وَالَّذِينَ آمَنُوا بِاللَّهِ وَرُسُلِهِ أُولَٰئِكَ هُمُ الصِّدِّيقُونَ ۖ وَالشُّهَدَاءُ عِنْدَ رَبِّهِمْ لَهُمْ أَجْرُهُمْ وَنُورُهُمْ ۖ وَالَّذِينَ كَفَرُوا وَكَذَّبُوا بِآيَاتِنَا أُولَٰئِكَ أَصْحَابُ الْجَحِيمِ
Kuwa rumeeyay Eebe iyo Rasuulkiisa kuwaasu waa Runbadanayaal, Shuhadaduna Eebe agtiisa ajri iyo Nuur bay ku mudan kuwase Gaaloobay beeniyayna Aayaadkanaga kuwaasi waa ehelka Naarta Jaxiimo.

Choose other languages: