Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Hadid Ayahs #18 Translated in Somali

يُنَادُونَهُمْ أَلَمْ نَكُنْ مَعَكُمْ ۖ قَالُوا بَلَىٰ وَلَٰكِنَّكُمْ فَتَنْتُمْ أَنْفُسَكُمْ وَتَرَبَّصْتُمْ وَارْتَبْتُمْ وَغَرَّتْكُمُ الْأَمَانِيُّ حَتَّىٰ جَاءَ أَمْرُ اللَّهِ وَغَرَّكُمْ بِاللَّهِ الْغَرُورُ
Way u dhawaaqi Mu'miiniinta iyagoo leh miyannaan idinla jirin, Mu'miniintuna waxa ku dhihi haa (waad nala jirteen) laakiin waxaad balayseen Naftiinna, xumaanna waad la sugteen (Nabiga Iyo Mu'miniinta), waadna shakideen waxaana idinku kadisay yididiilo (been ah) Inta amarka Eebe ka yimaaddo (Geerida) waxaana Eebe idinku kadsiiyay Kadiye (Shaydaan).
فَالْيَوْمَ لَا يُؤْخَذُ مِنْكُمْ فِدْيَةٌ وَلَا مِنَ الَّذِينَ كَفَرُوا ۚ مَأْوَاكُمُ النَّارُ ۖ هِيَ مَوْلَاكُمْ ۖ وَبِئْسَ الْمَصِيرُ
Maanta (Qiyaamada) laydin kama aqbalo is furasho idinka iyo kuwa Gaaloobay midna, Hoygiinnuna waa Nar waadna mudataan, meel loo hoydana iyadaa u xun.
أَلَمْ يَأْنِ لِلَّذِينَ آمَنُوا أَنْ تَخْشَعَ قُلُوبُهُمْ لِذِكْرِ اللَّهِ وَمَا نَزَلَ مِنَ الْحَقِّ وَلَا يَكُونُوا كَالَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ مِنْ قَبْلُ فَطَالَ عَلَيْهِمُ الْأَمَدُ فَقَسَتْ قُلُوبُهُمْ ۖ وَكَثِيرٌ مِنْهُمْ فَاسِقُونَ
Miyayan u dhawaanin kuwa xaqa rumeeyay inay u khushuucdo quluubtoodu xusidda Eebe (Quraanka) iyo waxa xaqa ah ee dagi, oyna la mid noqonin kuwii Kitaabka la siiyay horay (Yahuud iyo Nasaaro) oo muddadu ku dheeraatay, markaas ay ingagtay Quluubtoodu, wax badan oo ka mid ahna waa Faasiqiin (ka baxay Xerada).
اعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ يُحْيِي الْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَا ۚ قَدْ بَيَّنَّا لَكُمُ الْآيَاتِ لَعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ
Ogaada in Eebe nooleeyo Dhulka dhimasho ka dib, wuuna idiin caddeeyay Aayaadka si aad wax u kastaan.
إِنَّ الْمُصَّدِّقِينَ وَالْمُصَّدِّقَاتِ وَأَقْرَضُوا اللَّهَ قَرْضًا حَسَنًا يُضَاعَفُ لَهُمْ وَلَهُمْ أَجْرٌ كَرِيمٌ
Ragga wax Sadaqaysta iyo Haweenka wax Sadaqaysta oo Eebana Amaah wanaagsan Amaaahiya (waa Sadaqada) waa loo laablaabi, waxayna leeyihiin Ajri sharaf leh.

Choose other languages: