Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Baqara Ayahs #120 Translated in Somali

وَقَالُوا اتَّخَذَ اللَّهُ وَلَدًا ۗ سُبْحَانَهُ ۖ بَلْ لَهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۖ كُلٌّ لَهُ قَانِتُونَ
waxay dhaheen Gaaladii wuxuu yeeshay Eebo Ilmo, waana ka nasahanyahay, saas ma aha ee waxaa u sugnaaday Eebe waxa ku jira Samada iyo Dhulka, dhamaanna Eebay u hogaansamaan.
بَدِيعُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۖ وَإِذَا قَضَىٰ أَمْرًا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُ كُنْ فَيَكُونُ
isagaa abuuray Samooyinka iyo Dhulka, markuu doono arrinna wuxuu uun dhahaa ahaw wuuna ahaadaa.
وَقَالَ الَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ لَوْلَا يُكَلِّمُنَا اللَّهُ أَوْ تَأْتِينَا آيَةٌ ۗ كَذَٰلِكَ قَالَ الَّذِينَ مِنْ قَبْلِهِمْ مِثْلَ قَوْلِهِمْ ۘ تَشَابَهَتْ قُلُوبُهُمْ ۗ قَدْ بَيَّنَّا الْآيَاتِ لِقَوْمٍ يُوقِنُونَ
1I waxay dhaheen kuwii aan wax ogayn (Gaaladii) muxuu Eebe nooola hadli waayey ama noogu imaan wayday aayad, saaso kaley dhaheen kuwii ka horreeyey hadalkooda oo kale, waxaa is Shabbahday (isu ekaatay) qulubtooda dhab ahaan yaan aayadaha ugu caddaynay ciddii wax yaqiinin.
إِنَّا أَرْسَلْنَاكَ بِالْحَقِّ بَشِيرًا وَنَذِيرًا ۖ وَلَا تُسْأَلُ عَنْ أَصْحَابِ الْجَحِيمِ
anagaa ku dirray Nabiyow adoo xaq wata oo Bishaarayn Digana, lagu warsanna maayo ehelka (Naarta) Jaxiimo.
وَلَنْ تَرْضَىٰ عَنْكَ الْيَهُودُ وَلَا النَّصَارَىٰ حَتَّىٰ تَتَّبِعَ مِلَّتَهُمْ ۗ قُلْ إِنَّ هُدَى اللَّهِ هُوَ الْهُدَىٰ ۗ وَلَئِنِ اتَّبَعْتَ أَهْوَاءَهُمْ بَعْدَ الَّذِي جَاءَكَ مِنَ الْعِلْمِ ۙ مَا لَكَ مِنَ اللَّهِ مِنْ وَلِيٍّ وَلَا نَصِيرٍ
Kaama raalli noqdaan Yuhuud iyo Nasaara intaad ka raaedo Diintooda, waxaad dhahdaa hanuunka Eebaa hanuun ah, haddaad raaedo hawadooda intuu kuu yimid cilmi ka dib, kama heshid xagga Eebe sokeeye iyo Gargaare (midna).

Choose other languages: