Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Araf Ayahs #194 Translated in Somali

فَلَمَّا آتَاهُمَا صَالِحًا جَعَلَا لَهُ شُرَكَاءَ فِيمَا آتَاهُمَا ۚ فَتَعَالَى اللَّهُ عَمَّا يُشْرِكُونَ
Markuu siiyey mid Suubban waxay u Yeeleen wax la wadaaga wuxuu Eebe siiyey, Eebaa ka sarreeya waxay la Waddajiyeen.
أَيُشْرِكُونَ مَا لَا يَخْلُقُ شَيْئًا وَهُمْ يُخْلَقُونَ
Ma waxay la wadaajin waxaan wax Abuuran iyagana la Abuuro.
وَلَا يَسْتَطِيعُونَ لَهُمْ نَصْرًا وَلَا أَنْفُسَهُمْ يَنْصُرُونَ
OOn Karaynna gargaar naftoodana aan u gargaarayn.
وَإِنْ تَدْعُوهُمْ إِلَى الْهُدَىٰ لَا يَتَّبِعُوكُمْ ۚ سَوَاءٌ عَلَيْكُمْ أَدَعَوْتُمُوهُمْ أَمْ أَنْتُمْ صَامِتُونَ
Haddaad ugu Yeedho Hanuunkana idima raacaan waana isku mid haddaad u Yeedhaan iyo haddaad ka Aamustaanba.
إِنَّ الَّذِينَ تَدْعُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ عِبَادٌ أَمْثَالُكُمْ ۖ فَادْعُوهُمْ فَلْيَسْتَجِيبُوا لَكُمْ إِنْ كُنْتُمْ صَادِقِينَ
Kuwaad caabudaysan (U yeedheysaan) Eebe ka Sokow waa Addoomo idinkoo kala ah, bal u Yeedha oo haydin Yeeleen (Aqbaleen) haddaad Run sheegaysaan.

Choose other languages: