Quran Apps in many lanuages:

Surah Yusuf Ayahs #42 Translated in Somali

وَاتَّبَعْتُ مِلَّةَ آبَائِي إِبْرَاهِيمَ وَإِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ ۚ مَا كَانَ لَنَا أَنْ نُشْرِكَ بِاللَّهِ مِنْ شَيْءٍ ۚ ذَٰلِكَ مِنْ فَضْلِ اللَّهِ عَلَيْنَا وَعَلَى النَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَشْكُرُونَ
waxaana raacay milladda (Diinta) Aabayaalkay Ibraahiim, Isxaaq iyo Yacquub, Nuguma habboona inaan la wadaajinno Eebe cibaadada waxna, taasina waa fadliga Eebe ee korkannaga iyo Dadkaba, laakin Dadka badankiisu kuma shugriyaan.
يَا صَاحِبَيِ السِّجْنِ أَأَرْبَابٌ مُتَفَرِّقُونَ خَيْرٌ أَمِ اللَّهُ الْوَاحِدُ الْقَهَّارُ
Saaxiibadayda Xabbiskow ma ilaahyo kala tagsan yaa khayrroon mise ilaah kaliya ee awoodda badan.
مَا تَعْبُدُونَ مِنْ دُونِهِ إِلَّا أَسْمَاءً سَمَّيْتُمُوهَا أَنْتُمْ وَآبَاؤُكُمْ مَا أَنْزَلَ اللَّهُ بِهَا مِنْ سُلْطَانٍ ۚ إِنِ الْحُكْمُ إِلَّا لِلَّهِ ۚ أَمَرَ أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا إِيَّاهُ ۚ ذَٰلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ
ma caabudaysaan Eebe ka sokow waxaan magacyo aad magacowdeen ahayn idinka iyo Aabayaalkiin oon Eebe u soo dejinin xujo, xukunkana Eebe mooyee cid kale ma leh, wuxuuna faray inaydaan caabudin isaga mooyee, saasaana diinta toosana laakiin Dadka badankood ma oga.
يَا صَاحِبَيِ السِّجْنِ أَمَّا أَحَدُكُمَا فَيَسْقِي رَبَّهُ خَمْرًا ۖ وَأَمَّا الْآخَرُ فَيُصْلَبُ فَتَأْكُلُ الطَّيْرُ مِنْ رَأْسِهِ ۚ قُضِيَ الْأَمْرُ الَّذِي فِيهِ تَسْتَفْتِيَانِ
Saaxiibadayda xabbiskow midkiin wuxuu waraabin sayidkiisa khamro, kan kalase waa la wadhi (Dili) oy shimbiruhu ka cuni Madaxiisa, waana la xukumay amarkaad warsateen.
وَقَالَ لِلَّذِي ظَنَّ أَنَّهُ نَاجٍ مِنْهُمَا اذْكُرْنِي عِنْدَ رَبِّكَ فَأَنْسَاهُ الشَّيْطَانُ ذِكْرَ رَبِّهِ فَلَبِثَ فِي السِّجْنِ بِضْعَ سِنِينَ
wuxuuna (Yuusuf) ku yidhi kii uu u Maleeyay inuu nabad gali oo midkooda iigu sheeg Sayidkaaga agtiisa, Waxaase halmaansiiyay Shaydaan Xusidda Eebihiis, wuxuuna (Yuusuf) ku Nagaaday Xabbiska Dhawr sano.

Choose other languages: