Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Araf Ayahs #168 Translated in Somali

وَإِذْ قَالَتْ أُمَّةٌ مِنْهُمْ لِمَ تَعِظُونَ قَوْمًا ۙ اللَّهُ مُهْلِكُهُمْ أَوْ مُعَذِّبُهُمْ عَذَابًا شَدِيدًا ۖ قَالُوا مَعْذِرَةً إِلَىٰ رَبِّكُمْ وَلَعَلَّهُمْ يَتَّقُونَ
Ka Warran markay Tidhi Umad ka mida maxaad u Wacdiyeysaan qoom Eebe halaagi ama u Cadaabi si daran, waxayna dhaheen waa Eebe u Cudur daarasho, iyo inay Dhawrsadaan inay u Dhawyihiin.
فَلَمَّا نَسُوا مَا ذُكِّرُوا بِهِ أَنْجَيْنَا الَّذِينَ يَنْهَوْنَ عَنِ السُّوءِ وَأَخَذْنَا الَّذِينَ ظَلَمُوا بِعَذَابٍ بَئِيسٍ بِمَا كَانُوا يَفْسُقُونَ
Markay Halmaameen wixii lagu waaniyey waxaan korinay kuwii Xumaanta Reebayey waxaana ku qabanay kuwii Dulmiga falay Cadaab Xun Faasiqnimadooda Darteed.
فَلَمَّا عَتَوْا عَنْ مَا نُهُوا عَنْهُ قُلْنَا لَهُمْ كُونُوا قِرَدَةً خَاسِئِينَ
Markay ku Madax adaygeen wixii laga reebay yaan ku nidhi Noqda Daanyeer Dullaysan.
وَإِذْ تَأَذَّنَ رَبُّكَ لَيَبْعَثَنَّ عَلَيْهِمْ إِلَىٰ يَوْمِ الْقِيَامَةِ مَنْ يَسُومُهُمْ سُوءَ الْعَذَابِ ۗ إِنَّ رَبَّكَ لَسَرِيعُ الْعِقَابِ ۖ وَإِنَّهُ لَغَفُورٌ رَحِيمٌ
Xusuusta markuu Eebe Ogeysiiyey inuu u soo Bixiyaa Yuhuud tan iyo Qiyaamaha cid Dhadhansiisa Cadaab Xun, Eebahaana Ciqaabtiisu way Deg degtaa, waana Dambi Dhaafe Naxariista.
وَقَطَّعْنَاهُمْ فِي الْأَرْضِ أُمَمًا ۖ مِنْهُمُ الصَّالِحُونَ وَمِنْهُمْ دُونَ ذَٰلِكَ ۖ وَبَلَوْنَاهُمْ بِالْحَسَنَاتِ وَالسَّيِّئَاتِ لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ
Waxaana ku kala gaynay Dhulka iyagoo Umada ah, kuwo suuban iyo kuwo kalaba waxaana ku imtixaannay wanaag iyo Dhibba inay Noqdaan.

Choose other languages: