Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Araf Ayahs #171 Translated in Somali

وَإِذْ تَأَذَّنَ رَبُّكَ لَيَبْعَثَنَّ عَلَيْهِمْ إِلَىٰ يَوْمِ الْقِيَامَةِ مَنْ يَسُومُهُمْ سُوءَ الْعَذَابِ ۗ إِنَّ رَبَّكَ لَسَرِيعُ الْعِقَابِ ۖ وَإِنَّهُ لَغَفُورٌ رَحِيمٌ
Xusuusta markuu Eebe Ogeysiiyey inuu u soo Bixiyaa Yuhuud tan iyo Qiyaamaha cid Dhadhansiisa Cadaab Xun, Eebahaana Ciqaabtiisu way Deg degtaa, waana Dambi Dhaafe Naxariista.
وَقَطَّعْنَاهُمْ فِي الْأَرْضِ أُمَمًا ۖ مِنْهُمُ الصَّالِحُونَ وَمِنْهُمْ دُونَ ذَٰلِكَ ۖ وَبَلَوْنَاهُمْ بِالْحَسَنَاتِ وَالسَّيِّئَاتِ لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ
Waxaana ku kala gaynay Dhulka iyagoo Umada ah, kuwo suuban iyo kuwo kalaba waxaana ku imtixaannay wanaag iyo Dhibba inay Noqdaan.
فَخَلَفَ مِنْ بَعْدِهِمْ خَلْفٌ وَرِثُوا الْكِتَابَ يَأْخُذُونَ عَرَضَ هَٰذَا الْأَدْنَىٰ وَيَقُولُونَ سَيُغْفَرُ لَنَا وَإِنْ يَأْتِهِمْ عَرَضٌ مِثْلُهُ يَأْخُذُوهُ ۚ أَلَمْ يُؤْخَذْ عَلَيْهِمْ مِيثَاقُ الْكِتَابِ أَنْ لَا يَقُولُوا عَلَى اللَّهِ إِلَّا الْحَقَّ وَدَرَسُوا مَا فِيهِ ۗ وَالدَّارُ الْآخِرَةُ خَيْرٌ لِلَّذِينَ يَتَّقُونَ ۗ أَفَلَا تَعْقِلُونَ
Waxaana Baddelay kuwo Xun oo Dhaxlay Kitaabkii qaadanina Muuqa Adduunyadan Dhaw, iyagoo Dhihi waa naloo dhaafi hadduu u Yimaaddo muuqaal la midana way qaataan, miyaan laga qaadin Ballankii Kitaabka inayan Eebe waxaan Xaq ahayn ku sheegin oyna Akhriyin waxa Dhaxdiisa ah, Daarta Aakhiro yaana u Khayr roon kuwa dhawrsada ee miyeeydan wax kasayn.
وَالَّذِينَ يُمَسِّكُونَ بِالْكِتَابِ وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ إِنَّا لَا نُضِيعُ أَجْرَ الْمُصْلِحِينَ
Kuwa Qabsada Kitaabka oo Ooga Salaadda annagu ma dayacno ajriga kuwa wax Suubiya (Samo fala).
وَإِذْ نَتَقْنَا الْجَبَلَ فَوْقَهُمْ كَأَنَّهُ ظُلَّةٌ وَظَنُّوا أَنَّهُ وَاقِعٌ بِهِمْ خُذُوا مَا آتَيْنَاكُمْ بِقُوَّةٍ وَاذْكُرُوا مَا فِيهِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ
(Ka warran) markaan ku koryeelay Buurtii, sidii isagoo hadhayn, una maleeyeen inuu ku Dhici, kuna nidhi ku qaata waxaan idin siinay Niyad Adag, kuna waana qaata waxa ku sugan si aad u dhawrsataan.

Choose other languages: