Quran Apps in many lanuages:

Surah Ta-Ha Ayahs #123 Translated in Somali

وَأَنَّكَ لَا تَظْمَأُ فِيهَا وَلَا تَضْحَىٰ
waxaana kuugu sugnaaday inaadan ku oomin dhexdeeda kuna Qorroxoobin.
فَوَسْوَسَ إِلَيْهِ الشَّيْطَانُ قَالَ يَا آدَمُ هَلْ أَدُلُّكَ عَلَىٰ شَجَرَةِ الْخُلْدِ وَمُلْكٍ لَا يَبْلَىٰ
waxaase waswaasiyey shaydaan wuxuuna yidhi Aadamow ma ku tusiyaa Geedda waaridda iyo xukun aan gaboobayn.
فَأَكَلَا مِنْهَا فَبَدَتْ لَهُمَا سَوْآتُهُمَا وَطَفِقَا يَخْصِفَانِ عَلَيْهِمَا مِنْ وَرَقِ الْجَنَّةِ ۚ وَعَصَىٰ آدَمُ رَبَّهُ فَغَوَىٰ
wayna cuneen xaggeeda waxaana u muuqday Cawradoodii, waxayna noqdeen kuwa isku dhejiya korkooda caleenta jannadam wuu caasiyey Aadan Eebihiis wuuna leexday.
ثُمَّ اجْتَبَاهُ رَبُّهُ فَتَابَ عَلَيْهِ وَهَدَىٰ
waxaase doortay Eebihiis wuuna ka Toobadaqbalay oo hanuuniyey.
قَالَ اهْبِطَا مِنْهَا جَمِيعًا ۖ بَعْضُكُمْ لِبَعْضٍ عَدُوٌّ ۖ فَإِمَّا يَأْتِيَنَّكُمْ مِنِّي هُدًى فَمَنِ اتَّبَعَ هُدَايَ فَلَا يَضِلُّ وَلَا يَشْقَىٰ
wuxuu yidhi (Eebe) ka hoobta Jannada dhammaantiin qaarkiin qaar colbuu u yahaye, hadduu xaggayga idiinka yimaaddo hanuun ruuxii raaca hanuunkeyga ma dhumo (adduunka) mana xumaado (aakhiro).

Choose other languages: