Quran Apps in many lanuages:

Surah Fatir Ayahs #4 Translated in Somali

الْحَمْدُ لِلَّهِ فَاطِرِ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ جَاعِلِ الْمَلَائِكَةِ رُسُلًا أُولِي أَجْنِحَةٍ مَثْنَىٰ وَثُلَاثَ وَرُبَاعَ ۚ يَزِيدُ فِي الْخَلْقِ مَا يَشَاءُ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ
Mahad Eebaha billaabay «abuuray» samooyinka iyo dhulka yaaleh kana yeelay Malaa'igta farriinwade, oo garbolabo labo ahiyo saddex saddex iyo afar afar ah leh, wuuna siyaadiyaa Eebe abuuriduu doono, Eebana wax walba uu doono wuu karaa.
مَا يَفْتَحِ اللَّهُ لِلنَّاسِ مِنْ رَحْمَةٍ فَلَا مُمْسِكَ لَهَا ۖ وَمَا يُمْسِكْ فَلَا مُرْسِلَ لَهُ مِنْ بَعْدِهِ ۚ وَهُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ
Wixii Eebe dadka ugu nicmeeyo oo naxariis ah wax celin karaa majiro, wuxuu celiyaana wax soodayn kara ma jiro dabadiis, waana adkaade falsan.
يَا أَيُّهَا النَّاسُ اذْكُرُوا نِعْمَتَ اللَّهِ عَلَيْكُمْ ۚ هَلْ مِنْ خَالِقٍ غَيْرُ اللَّهِ يَرْزُقُكُمْ مِنَ السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ ۚ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ فَأَنَّىٰ تُؤْفَكُونَ
Dadow xusuusnaada nicmada Eebe korkiina ah, abuure kale ma jiraa oo Eebe ka soo haday oo idinka arsuqi samada iyo dhulka, Eebe mooyee ilaah kale majiro ee xaggee laydiin ka iilii xaqa.
وَإِنْ يُكَذِّبُوكَ فَقَدْ كُذِّبَتْ رُسُلٌ مِنْ قَبْلِكَ ۚ وَإِلَى اللَّهِ تُرْجَعُ الْأُمُورُ
Hadday ku beeniyaan waxaa dhab ahaan loo beeniyay rasuulladii kaa horeeyay, Eeba xagiisaana loo celin umuuraha.

Choose other languages: