Quran Apps in many lanuages:

Surah At-Tawba Ayahs #74 Translated in Somali

أَلَمْ يَأْتِهِمْ نَبَأُ الَّذِينَ مِنْ قَبْلِهِمْ قَوْمِ نُوحٍ وَعَادٍ وَثَمُودَ وَقَوْمِ إِبْرَاهِيمَ وَأَصْحَابِ مَدْيَنَ وَالْمُؤْتَفِكَاتِ ۚ أَتَتْهُمْ رُسُلُهُمْ بِالْبَيِّنَاتِ ۖ فَمَا كَانَ اللَّهُ لِيَظْلِمَهُمْ وَلَٰكِنْ كَانُوا أَنْفُسَهُمْ يَظْلِمُونَ
miyeyna soo gaadhin warkii kuwii ka horreeyey oo ah qoomkii nabi Nuux, Caad, Thamuud, Qoomkii Nabi Ibraahiim, madyan dadkeedi iyo Qoomkii Nahi Luudh, waxay ula timid rasuuladoodii xujooyin, Eebana ma aha mid dulmiya iyagaase naflooda dulmiya.
وَالْمُؤْمِنُونَ وَالْمُؤْمِنَاتُ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ ۚ يَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنْكَرِ وَيُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَيُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَيُطِيعُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ ۚ أُولَٰئِكَ سَيَرْحَمُهُمُ اللَّهُ ۗ إِنَّ اللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ
Mu'miniinta rag iyo Haweenba qaarkood qaarka (kale) waa u Sokeeye waxayna faraan wanaagga kana reebaan xumaanta, waxayna oogaan salaadda, waxayna bixiyaan Zakada, waxayna Addeecaan Eebe iyo Rasuulkiisa, kuwaas waxaa u naxariisan Eebe, illeen Eebe waa adkaade fal sane.
وَعَدَ اللَّهُ الْمُؤْمِنِينَ وَالْمُؤْمِنَاتِ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِنْ تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا وَمَسَاكِنَ طَيِّبَةً فِي جَنَّاتِ عَدْنٍ ۚ وَرِضْوَانٌ مِنَ اللَّهِ أَكْبَرُ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ
wuxuu u yaboohay Eebe Mu'miniinta Rag iyo haweenba Jannooyin ay socoto dhexdeeda Wabiyaalkii iyagoo ku waari dhexdeeda, iyo guryo wanaagsan oo Jannada cadnin (Nagaadiga) Raalli ahaanshaha Eebaana ka wayn, arrintaasuna waa uun liibaanta wayn.
يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ جَاهِدِ الْكُفَّارَ وَالْمُنَافِقِينَ وَاغْلُظْ عَلَيْهِمْ ۚ وَمَأْوَاهُمْ جَهَنَّمُ ۖ وَبِئْسَ الْمَصِيرُ
Nabiyow la jahaad gaalda iyo Munaafiqiinta, kuna darrow dheelmadkooduna waa naarta Jahannamo iyadaana u xun meel loo ahaan.
يَحْلِفُونَ بِاللَّهِ مَا قَالُوا وَلَقَدْ قَالُوا كَلِمَةَ الْكُفْرِ وَكَفَرُوا بَعْدَ إِسْلَامِهِمْ وَهَمُّوا بِمَا لَمْ يَنَالُوا ۚ وَمَا نَقَمُوا إِلَّا أَنْ أَغْنَاهُمُ اللَّهُ وَرَسُولُهُ مِنْ فَضْلِهِ ۚ فَإِنْ يَتُوبُوا يَكُ خَيْرًا لَهُمْ ۖ وَإِنْ يَتَوَلَّوْا يُعَذِّبْهُمُ اللَّهُ عَذَابًا أَلِيمًا فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ ۚ وَمَا لَهُمْ فِي الْأَرْضِ مِنْ وَلِيٍّ وَلَا نَصِيرٍ
waxay ku dhaaran inayna dhihin (hadal xun) iyagoo yidhi hadal gaalnimo ayna gaaloobeen Islaanimo (muuqa) kadib, ayna dooneen waxayna gaadhin, waxayna ku naceen ku hodanaynta Eebe iyo Rasuulkiisa fadligiisa hadday toobadkeenaan khayr bay u tahay, hadday jeedsadaanna wuxuu Eebe cadaabi cadaab daran adduun iyo aakhiraba, gargaarana kuma leh dhulka dhexdiisa iyo sokeeye midna.

Choose other languages: