Quran Apps in many lanuages:

Surah An-Nur Ayahs #45 Translated in Somali

أَلَمْ تَرَ أَنَّ اللَّهَ يُسَبِّحُ لَهُ مَنْ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَالطَّيْرُ صَافَّاتٍ ۖ كُلٌّ قَدْ عَلِمَ صَلَاتَهُ وَتَسْبِيحَهُ ۗ وَاللَّهُ عَلِيمٌ بِمَا يَفْعَلُونَ
Miyaadan Ogayn in Eebe u Tasbiixsado waxa ku Sugan Samooyinka iyo Dhulka iyo Shimbiraha oo (Fidsan) Safan mid kasta wuu Ogyahay Salaaddiisa iyo Tasbiixdiisa, Eebana waa Ogyahay waxay Fali.
وَلِلَّهِ مُلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۖ وَإِلَى اللَّهِ الْمَصِيرُ
Eebe waxaa u Sugnaaday Xukunka Samooyinka iyo dhulka Xagga Eebaana loo Ahaan.
أَلَمْ تَرَ أَنَّ اللَّهَ يُزْجِي سَحَابًا ثُمَّ يُؤَلِّفُ بَيْنَهُ ثُمَّ يَجْعَلُهُ رُكَامًا فَتَرَى الْوَدْقَ يَخْرُجُ مِنْ خِلَالِهِ وَيُنَزِّلُ مِنَ السَّمَاءِ مِنْ جِبَالٍ فِيهَا مِنْ بَرَدٍ فَيُصِيبُ بِهِ مَنْ يَشَاءُ وَيَصْرِفُهُ عَنْ مَنْ يَشَاءُ ۖ يَكَادُ سَنَا بَرْقِهِ يَذْهَبُ بِالْأَبْصَارِ
Miyeydaan Arkayn in Eebe Kexeeyo Daruuro Markaas Isudumo Kana Yeelo Mid is dulSaaran ood aragto Roobkoo ka Soo Bixi Dhexdiisa wuxuuna ka soo Dejiyaa (Eebe) Samada Buuro Qabow ah (Thalaj) wuxuuna Gaadhsiiyaa Cidduu Doono, wuxuuna u Dhawyahay Nuurka Hilaaciisu inuu la Tago Aragga.
يُقَلِّبُ اللَّهُ اللَّيْلَ وَالنَّهَارَ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَعِبْرَةً لِأُولِي الْأَبْصَارِ
Wuu Gagadiyaa Eebe Habeenka iyo Dharaarta, Arrintaasna waano Qaadasho yaa ugu Sugan kuwa Aragga leh (Caqliga lch).
وَاللَّهُ خَلَقَ كُلَّ دَابَّةٍ مِنْ مَاءٍ ۖ فَمِنْهُمْ مَنْ يَمْشِي عَلَىٰ بَطْنِهِ وَمِنْهُمْ مَنْ يَمْشِي عَلَىٰ رِجْلَيْنِ وَمِنْهُمْ مَنْ يَمْشِي عَلَىٰ أَرْبَعٍ ۚ يَخْلُقُ اللَّهُ مَا يَشَاءُ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ
Eebaa ka Abuuray wax Kastoo socda (oo nool) Biyo waxaana ka Mid ah mid ku Socda Calooshiisa, waxaana ka mid ah mid ku Socda Labo Lugood, Waxaana ka mid ah mid ku Socda Afar, wuxuu Abuuraa Eebe wuxuu Doono, Eebana wax kasta waa Karaa.

Choose other languages: