Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Isra Ayahs #93 Translated in Somali

وَلَقَدْ صَرَّفْنَا لِلنَّاسِ فِي هَٰذَا الْقُرْآنِ مِنْ كُلِّ مَثَلٍ فَأَبَىٰ أَكْثَرُ النَّاسِ إِلَّا كُفُورًا
Dhabaan ugu Cadaynay dadka Quraanka Tusaale kasta dadka badankiise wuu diiday Gaalnimo mooyee.
وَقَالُوا لَنْ نُؤْمِنَ لَكَ حَتَّىٰ تَفْجُرَ لَنَا مِنَ الْأَرْضِ يَنْبُوعًا
waxay dheheen Gaaladii (Makaad) ku rumayn mayno intaad nooga jeexdo Dhulka Ilo (Burqan).
أَوْ تَكُونَ لَكَ جَنَّةٌ مِنْ نَخِيلٍ وَعِنَبٍ فَتُفَجِّرَ الْأَنْهَارَ خِلَالَهَا تَفْجِيرًا
ama kuu ahaan Beer Timir iyo Cinaba ood ku sii dayso dhexdeeda Wabiyo socda.
أَوْ تُسْقِطَ السَّمَاءَ كَمَا زَعَمْتَ عَلَيْنَا كِسَفًا أَوْ تَأْتِيَ بِاللَّهِ وَالْمَلَائِكَةِ قَبِيلًا
ama nagaga soo riddid Samada saad sheegatay, Goosimo iyadoo ah, ama u keentid Eebe iyo Malaa'igta si caddaana.
أَوْ يَكُونَ لَكَ بَيْتٌ مِنْ زُخْرُفٍ أَوْ تَرْقَىٰ فِي السَّمَاءِ وَلَنْ نُؤْمِنَ لِرُقِيِّكَ حَتَّىٰ تُنَزِّلَ عَلَيْنَا كِتَابًا نَقْرَؤُهُ ۗ قُلْ سُبْحَانَ رَبِّي هَلْ كُنْتُ إِلَّا بَشَرًا رَسُولًا
ama ku ahaado Guri dahaba ama ka kortid samada, kuna rumayn mayno koriddaada intaad noogaga soo dejisid kitaab aan Akhrino, waxaad dhahdaa Eebahaybaa nasahane ma waxaan bashar (Dad) Rasuula ahayn baan ahay.

Choose other languages: