Quran Apps in many lanuages:

Surah Yusuf Ayahs #47 Translated in Somali

وَقَالَ الْمَلِكُ إِنِّي أَرَىٰ سَبْعَ بَقَرَاتٍ سِمَانٍ يَأْكُلُهُنَّ سَبْعٌ عِجَافٌ وَسَبْعَ سُنْبُلَاتٍ خُضْرٍ وَأُخَرَ يَابِسَاتٍ ۖ يَا أَيُّهَا الْمَلَأُ أَفْتُونِي فِي رُؤْيَايَ إِنْ كُنْتُمْ لِلرُّؤْيَا تَعْبُرُونَ
Xaakinkii wuxuu yidhi waxaan arkay Todobo sac oo Shilshilis oy cunayaan todobo Wayda, iyo Todobo sabuul oo cagaaran, iyo kuwo kaloo ingagan dad Yahaw iiga warrama Riyadayda hadaad Fasiri kartaan riyada.
قَالُوا أَضْغَاثُ أَحْلَامٍ ۖ وَمَا نَحْنُ بِتَأْوِيلِ الْأَحْلَامِ بِعَالِمِينَ
Waxay dhaheen waa qaraw annaguna ma naqaanno Fasirka qarawyada «dhadhabka».
وَقَالَ الَّذِي نَجَا مِنْهُمَا وَادَّكَرَ بَعْدَ أُمَّةٍ أَنَا أُنَبِّئُكُمْ بِتَأْوِيلِهِ فَأَرْسِلُونِ
wuxuu yidhi kii nabadgalay oo midkooda markuu xasuustay muddo ka dib Anaa idiinka Warrami fasirkiisa ee i dira.
يُوسُفُ أَيُّهَا الصِّدِّيقُ أَفْتِنَا فِي سَبْعِ بَقَرَاتٍ سِمَانٍ يَأْكُلُهُنَّ سَبْعٌ عِجَافٌ وَسَبْعِ سُنْبُلَاتٍ خُضْرٍ وَأُخَرَ يَابِسَاتٍ لَعَلِّي أَرْجِعُ إِلَى النَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَعْلَمُونَ
Wuxuu yidhi Yuusufow Saaxiibow nooga warran Toddoba sac oo Shilshilis oycunayaan todobo Wayd ihi iyo todobo Sabuul oo cagaaran iyo kuwo ingagan oo kale inaan ula noqdo dadka inay ogaadaan.
قَالَ تَزْرَعُونَ سَبْعَ سِنِينَ دَأَبًا فَمَا حَصَدْتُمْ فَذَرُوهُ فِي سُنْبُلِهِ إِلَّا قَلِيلًا مِمَّا تَأْكُلُونَ
Waxuuna yidhi waxaad tacbanaysaan Todoba Sano oo israaesan ee waxaad goosataan ku daaya Sabuulkiisa wax yarood cunaysaan mooyee.

Choose other languages: