Quran Apps in many lanuages:

Surah Yunus Ayahs #108 Translated in Somali

قُلْ يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنْ كُنْتُمْ فِي شَكٍّ مِنْ دِينِي فَلَا أَعْبُدُ الَّذِينَ تَعْبُدُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ وَلَٰكِنْ أَعْبُدُ اللَّهَ الَّذِي يَتَوَفَّاكُمْ ۖ وَأُمِرْتُ أَنْ أَكُونَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ
waxaad dhahdaa Dadow hadaad tihiin kuwo shakisan diintayda Caabudi maayo waxaad caabudaysaan oo Eebe ka soo hadhay waxaanse Caabudi Eebaha idin Dili, waxaana lay faray inaan ka mid noqdo Mu'iniinta.
وَأَنْ أَقِمْ وَجْهَكَ لِلدِّينِ حَنِيفًا وَلَا تَكُونَنَّ مِنَ الْمُشْرِكِينَ
iyo inaan u jeediyo wajiga Diinta anoo Toosan hana ka mid noqonin Mushrikiinta.
وَلَا تَدْعُ مِنْ دُونِ اللَّهِ مَا لَا يَنْفَعُكَ وَلَا يَضُرُّكَ ۖ فَإِنْ فَعَلْتَ فَإِنَّكَ إِذًا مِنَ الظَّالِمِينَ
Hana caabudin Eebe ka Sokow waxaan wax ku Tarayn kuna dhibayn, Haddaad fasho waxaad ka mid Noqon Daalimiinta.
وَإِنْ يَمْسَسْكَ اللَّهُ بِضُرٍّ فَلَا كَاشِفَ لَهُ إِلَّا هُوَ ۖ وَإِنْ يُرِدْكَ بِخَيْرٍ فَلَا رَادَّ لِفَضْلِهِ ۚ يُصِيبُ بِهِ مَنْ يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ ۚ وَهُوَ الْغَفُورُ الرَّحِيمُ
Hadduu ku taabsiiyo Eebe dhib wax faydi oon isaga Ahayn ma jiro, Hadduu kula doono Khayra wax celin kara fadligiisa ma jiro, Wuxuuna gaadhsiiyaa cidduu doono oo Addoomadiisa ka mida, waana Dambi dhaafe Naxariista.
قُلْ يَا أَيُّهَا النَّاسُ قَدْ جَاءَكُمُ الْحَقُّ مِنْ رَبِّكُمْ ۖ فَمَنِ اهْتَدَىٰ فَإِنَّمَا يَهْتَدِي لِنَفْسِهِ ۖ وَمَنْ ضَلَّ فَإِنَّمَا يَضِلُّ عَلَيْهَا ۖ وَمَا أَنَا عَلَيْكُمْ بِوَكِيلٍ
Waxaad dhahdaa Dadow waxaa idiinka yimid xagga Eebe Xaqii, ciddii Hanuuntana wuxuu uun u Hanuunay Naftiisa, cidii dhuntana wuxuu uun u Dhumay Naftiisa (Dhibkeeda) Anna korkiinna Wakiil uma ihi.

Choose other languages: