Quran Apps in many lanuages:

Surah At-Tawba Ayahs #83 Translated in Somali

الَّذِينَ يَلْمِزُونَ الْمُطَّوِّعِينَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ فِي الصَّدَقَاتِ وَالَّذِينَ لَا يَجِدُونَ إِلَّا جُهْدَهُمْ فَيَسْخَرُونَ مِنْهُمْ ۙ سَخِرَ اللَّهُ مِنْهُمْ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ
waa kuwa ku ceebayn kuwa sadaqaysan oo mu'miniinta ah sadaqadooda iyo kuwaan helaynin tabartooda mooyee, way ku jees jeesi Eebana wuu kula macaamiloon abaalkooda waxayna mudan cadaab daran.
اسْتَغْفِرْ لَهُمْ أَوْ لَا تَسْتَغْفِرْ لَهُمْ إِنْ تَسْتَغْفِرْ لَهُمْ سَبْعِينَ مَرَّةً فَلَنْ يَغْفِرَ اللَّهُ لَهُمْ ۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ كَفَرُوا بِاللَّهِ وَرَسُولِهِ ۗ وَاللَّهُ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الْفَاسِقِينَ
ama u dambidhaaf warso ama ha u dambidhaaf warsanin, haddaad u dambi dhaaf warsato toddobaatan jeer uma dambidhaafo Eebe, ileen iyagu waxay ka gaaloobeen Eebe iyo rasuulkiisa, eebana ma hanuuniyo qoomka faasiqiinta ah.
فَرِحَ الْمُخَلَّفُونَ بِمَقْعَدِهِمْ خِلَافَ رَسُولِ اللَّهِ وَكَرِهُوا أَنْ يُجَاهِدُوا بِأَمْوَالِهِمْ وَأَنْفُسِهِمْ فِي سَبِيلِ اللَّهِ وَقَالُوا لَا تَنْفِرُوا فِي الْحَرِّ ۗ قُلْ نَارُ جَهَنَّمَ أَشَدُّ حَرًّا ۚ لَوْ كَانُوا يَفْقَهُونَ
waxay ku farxeen kuwii ka dib dhacay fadhigoodii rasuulka gadaashiisa, waxayn naceen inay ku jahaadaan xoolahooda iyo naftooda jidka Eebe, waxayna dhaheen ha ku bixina kulaylka, waxaad dhahdaa naarta jahannamo yaa ka kulayl daran hadday wax kasi.
فَلْيَضْحَكُوا قَلِيلًا وَلْيَبْكُوا كَثِيرًا جَزَاءً بِمَا كَانُوا يَكْسِبُونَ
ee ha qosleen wax yar (adduunka) hana ooyeen wax badan (aakhiro) iyadoo laga abaal marin waxay kasbadeen.
فَإِنْ رَجَعَكَ اللَّهُ إِلَىٰ طَائِفَةٍ مِنْهُمْ فَاسْتَأْذَنُوكَ لِلْخُرُوجِ فَقُلْ لَنْ تَخْرُجُوا مَعِيَ أَبَدًا وَلَنْ تُقَاتِلُوا مَعِيَ عَدُوًّا ۖ إِنَّكُمْ رَضِيتُمْ بِالْقُعُودِ أَوَّلَ مَرَّةٍ فَاقْعُدُوا مَعَ الْخَالِفِينَ
hadduu kuu soo celiyo Eebe koox ka mid ah oy kaa idin waydiistaan bixid waxaad dhahdaa bixi maysaan lajirkayga waligiin, lana dagaallami maysaan Col lajirkayga illeen waxaad jeclaateen fadhi markii horaba ee la fadhiya kuwa dib maray.

Choose other languages: