Quran Apps in many lanuages:

Surah At-Tawba Ayahs #85 Translated in Somali

فَرِحَ الْمُخَلَّفُونَ بِمَقْعَدِهِمْ خِلَافَ رَسُولِ اللَّهِ وَكَرِهُوا أَنْ يُجَاهِدُوا بِأَمْوَالِهِمْ وَأَنْفُسِهِمْ فِي سَبِيلِ اللَّهِ وَقَالُوا لَا تَنْفِرُوا فِي الْحَرِّ ۗ قُلْ نَارُ جَهَنَّمَ أَشَدُّ حَرًّا ۚ لَوْ كَانُوا يَفْقَهُونَ
waxay ku farxeen kuwii ka dib dhacay fadhigoodii rasuulka gadaashiisa, waxayn naceen inay ku jahaadaan xoolahooda iyo naftooda jidka Eebe, waxayna dhaheen ha ku bixina kulaylka, waxaad dhahdaa naarta jahannamo yaa ka kulayl daran hadday wax kasi.
فَلْيَضْحَكُوا قَلِيلًا وَلْيَبْكُوا كَثِيرًا جَزَاءً بِمَا كَانُوا يَكْسِبُونَ
ee ha qosleen wax yar (adduunka) hana ooyeen wax badan (aakhiro) iyadoo laga abaal marin waxay kasbadeen.
فَإِنْ رَجَعَكَ اللَّهُ إِلَىٰ طَائِفَةٍ مِنْهُمْ فَاسْتَأْذَنُوكَ لِلْخُرُوجِ فَقُلْ لَنْ تَخْرُجُوا مَعِيَ أَبَدًا وَلَنْ تُقَاتِلُوا مَعِيَ عَدُوًّا ۖ إِنَّكُمْ رَضِيتُمْ بِالْقُعُودِ أَوَّلَ مَرَّةٍ فَاقْعُدُوا مَعَ الْخَالِفِينَ
hadduu kuu soo celiyo Eebe koox ka mid ah oy kaa idin waydiistaan bixid waxaad dhahdaa bixi maysaan lajirkayga waligiin, lana dagaallami maysaan Col lajirkayga illeen waxaad jeclaateen fadhi markii horaba ee la fadhiya kuwa dib maray.
وَلَا تُصَلِّ عَلَىٰ أَحَدٍ مِنْهُمْ مَاتَ أَبَدًا وَلَا تَقُمْ عَلَىٰ قَبْرِهِ ۖ إِنَّهُمْ كَفَرُوا بِاللَّهِ وَرَسُولِهِ وَمَاتُوا وَهُمْ فَاسِقُونَ
ha ku tukanin mid ka mid ah oo dhinta waligeed, hana kor istaagin qabrigiisa, illeen waxay ka gaaloobeen Eebe iyo Rasuulkiisa waxayna dhinteen iyagoo faasiqiin ah.
وَلَا تُعْجِبْكَ أَمْوَالُهُمْ وَأَوْلَادُهُمْ ۚ إِنَّمَا يُرِيدُ اللَّهُ أَنْ يُعَذِّبَهُمْ بِهَا فِي الدُّنْيَا وَتَزْهَقَ أَنْفُسُهُمْ وَهُمْ كَافِرُونَ
ee yeyna ku yaab galinnin xoolahoodu iyo caruurtoodu, wuxuu uun Eebe dooni inuu ku cadaabo adduunka ay baxdana naftooduna iyagoo gaalo ah.

Choose other languages: