Quran Apps in many lanuages:

Surah At-Tawba Ayahs #88 Translated in Somali

وَلَا تُصَلِّ عَلَىٰ أَحَدٍ مِنْهُمْ مَاتَ أَبَدًا وَلَا تَقُمْ عَلَىٰ قَبْرِهِ ۖ إِنَّهُمْ كَفَرُوا بِاللَّهِ وَرَسُولِهِ وَمَاتُوا وَهُمْ فَاسِقُونَ
ha ku tukanin mid ka mid ah oo dhinta waligeed, hana kor istaagin qabrigiisa, illeen waxay ka gaaloobeen Eebe iyo Rasuulkiisa waxayna dhinteen iyagoo faasiqiin ah.
وَلَا تُعْجِبْكَ أَمْوَالُهُمْ وَأَوْلَادُهُمْ ۚ إِنَّمَا يُرِيدُ اللَّهُ أَنْ يُعَذِّبَهُمْ بِهَا فِي الدُّنْيَا وَتَزْهَقَ أَنْفُسُهُمْ وَهُمْ كَافِرُونَ
ee yeyna ku yaab galinnin xoolahoodu iyo caruurtoodu, wuxuu uun Eebe dooni inuu ku cadaabo adduunka ay baxdana naftooduna iyagoo gaalo ah.
وَإِذَا أُنْزِلَتْ سُورَةٌ أَنْ آمِنُوا بِاللَّهِ وَجَاهِدُوا مَعَ رَسُولِهِ اسْتَأْذَنَكَ أُولُو الطَّوْلِ مِنْهُمْ وَقَالُوا ذَرْنَا نَكُنْ مَعَ الْقَاعِدِينَ
marka la soo dejiyo suurad (dhihi) rumeeya Eebe jahaadana la jirka Rasuulkiisa waxaa idan ku warsada kuwa awoodda leh oo ka mid ah waxayna dhahaan na daa aan noqonno kuwa fadhiyee.
رَضُوا بِأَنْ يَكُونُوا مَعَ الْخَوَالِفِ وَطُبِعَ عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ فَهُمْ لَا يَفْقَهُونَ
waxay ka raalli noqdeen inay noqdaan kuwa dib maray, waxaana la daboolay quluubtooda waxna ma kasayaan.
لَٰكِنِ الرَّسُولُ وَالَّذِينَ آمَنُوا مَعَهُ جَاهَدُوا بِأَمْوَالِهِمْ وَأَنْفُسِهِمْ ۚ وَأُولَٰئِكَ لَهُمُ الْخَيْرَاتُ ۖ وَأُولَٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ
Rasuulkase iyo kuwa rumeeyey ee la Jira way ku jahaadaan xoolahooda iyo naftooda waxaana kuwaas u sugnaaday khayraad, kuwaasuna waa uun kuwa Liibaanay.

Choose other languages: