Quran Apps in many lanuages:

Surah At-Tawba Ayahs #120 Translated in Somali

إِنَّ اللَّهَ لَهُ مُلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۖ يُحْيِي وَيُمِيتُ ۚ وَمَا لَكُمْ مِنْ دُونِ اللَّهِ مِنْ وَلِيٍّ وَلَا نَصِيرٍ
Eebena waxaa u sugnaaday Xukunka Samooyinka iyo Dhulka isagaana wax nooleeya waxna dila, isagaana wax kasoo hadhayna oo wali ah ama gargaara ah ma lehidiin.
لَقَدْ تَابَ اللَّهُ عَلَى النَّبِيِّ وَالْمُهَاجِرِينَ وَالْأَنْصَارِ الَّذِينَ اتَّبَعُوهُ فِي سَاعَةِ الْعُسْرَةِ مِنْ بَعْدِ مَا كَادَ يَزِيغُ قُلُوبُ فَرِيقٍ مِنْهُمْ ثُمَّ تَابَ عَلَيْهِمْ ۚ إِنَّهُ بِهِمْ رَءُوفٌ رَحِيمٌ
wuxuu Eebe ka toobad aqbalay Nabiga, Muhaajiriinta iyo Ansaartii raaeday Saacaddii cidhiidhiga intay u dhawaatay inay iilato quluub koox ka mida ka dib, markaasuu ka toobad aqbalay, illeen waa u turaha u naxariistee.
وَعَلَى الثَّلَاثَةِ الَّذِينَ خُلِّفُوا حَتَّىٰ إِذَا ضَاقَتْ عَلَيْهِمُ الْأَرْضُ بِمَا رَحُبَتْ وَضَاقَتْ عَلَيْهِمْ أَنْفُسُهُمْ وَظَنُّوا أَنْ لَا مَلْجَأَ مِنَ اللَّهِ إِلَّا إِلَيْهِ ثُمَّ تَابَ عَلَيْهِمْ لِيَتُوبُوا ۚ إِنَّ اللَّهَ هُوَ التَّوَّابُ الرَّحِيمُ
saddexdiina wuu (ka toobad aqbalay) la dib mariyey intuu kaga cidhiidhyamo dhulku isagoo waasac ah, kuna cidhiidhyantay naftooda una maleeyeen (Yaqiinsaden) inayna jirin meel la magan galo oon Eebe ahayn, markaas Eebe ka toobad aqbalay inay toobadkeenaan, Eebana waa toobad aqbale Naxariista.
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ وَكُونُوا مَعَ الصَّادِقِينَ
kuwa xaqa rumeeyow ka dhawrsada Eebe Noqdana la jirka kuwa runta badan.
مَا كَانَ لِأَهْلِ الْمَدِينَةِ وَمَنْ حَوْلَهُمْ مِنَ الْأَعْرَابِ أَنْ يَتَخَلَّفُوا عَنْ رَسُولِ اللَّهِ وَلَا يَرْغَبُوا بِأَنْفُسِهِمْ عَنْ نَفْسِهِ ۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ لَا يُصِيبُهُمْ ظَمَأٌ وَلَا نَصَبٌ وَلَا مَخْمَصَةٌ فِي سَبِيلِ اللَّهِ وَلَا يَطَئُونَ مَوْطِئًا يَغِيظُ الْكُفَّارَ وَلَا يَنَالُونَ مِنْ عَدُوٍّ نَيْلًا إِلَّا كُتِبَ لَهُمْ بِهِ عَمَلٌ صَالِحٌ ۚ إِنَّ اللَّهَ لَا يُضِيعُ أَجْرَ الْمُحْسِنِينَ
kuma habboona (uma bannaana) reer Madiino iyo kuwa gaararkeeda ah oo Baadiyaha Carbeeda inay ka gadaal maraan Rasuulka Eebe oy kana Jeclaadaan naftooda Naftiisa, illeen wixii ku dhaca oo oona, ama dhiba ama gaajo ah Jidka Eebe dhexdiisa ama meejey ku joogsadaan oo Cadho galin Gaalada iyo waxay Gaadhsiiyaan Colka (Dhammaan) waxaa loogu Dhigi camal suuban, Eebana ma halleeyow Ajirka samo falayaasaha.

Choose other languages: