Quran Apps in many lanuages:

Surah An-Nur Ayahs #50 Translated in Somali

لَقَدْ أَنْزَلْنَا آيَاتٍ مُبَيِّنَاتٍ ۚ وَاللَّهُ يَهْدِي مَنْ يَشَاءُ إِلَىٰ صِرَاطٍ مُسْتَقِيمٍ
Waxaan soo Dejinay Aayaad Cad Cad, Eebana wuxuu ku Hanuuniyaa Cidduu Doono Jid Toosan.
وَيَقُولُونَ آمَنَّا بِاللَّهِ وَبِالرَّسُولِ وَأَطَعْنَا ثُمَّ يَتَوَلَّىٰ فَرِيقٌ مِنْهُمْ مِنْ بَعْدِ ذَٰلِكَ ۚ وَمَا أُولَٰئِكَ بِالْمُؤْمِنِينَ
Waxay Dhihi (Munaafiqiintu) Waxaan rumeeynay Eebe iyo Rasuulka waana Adeecnay markaasaa waxaa Jeedsada Kooxo ka Mid ah Intaas ka Dib, Kuwaasi ma ah Mu'miniin.
وَإِذَا دُعُوا إِلَى اللَّهِ وَرَسُولِهِ لِيَحْكُمَ بَيْنَهُمْ إِذَا فَرِيقٌ مِنْهُمْ مُعْرِضُونَ
Marka Loogu Yeedho Eebe iyo Rasuulkiisa inuu kala Xukumo Dhexdooda waxaa soo Baxa Koox ka Mid ah oo Jeedsan.
وَإِنْ يَكُنْ لَهُمُ الْحَقُّ يَأْتُوا إِلَيْهِ مُذْعِنِينَ
Hadduu Xaqu iyaga U sugnaado way u Yimaadaan iyagoo Adeeci.
أَفِي قُلُوبِهِمْ مَرَضٌ أَمِ ارْتَابُوا أَمْ يَخَافُونَ أَنْ يَحِيفَ اللَّهُ عَلَيْهِمْ وَرَسُولُهُ ۚ بَلْ أُولَٰئِكَ هُمُ الظَّالِمُونَ
Ma Qalbigay ka Bukaan mise way Shakiyeen mise waxay ka Cabsan in Eebe ku Jawr falo iyo Rasuulkiisu, saas ma aha ee kuwaasu waa kuwo Daalimiin ah.

Choose other languages: