Quran Apps in many lanuages:

Surah An-Nahl Ayahs #70 Translated in Somali

وَإِنَّ لَكُمْ فِي الْأَنْعَامِ لَعِبْرَةً ۖ نُسْقِيكُمْ مِمَّا فِي بُطُونِهِ مِنْ بَيْنِ فَرْثٍ وَدَمٍ لَبَنًا خَالِصًا سَائِغًا لِلشَّارِبِينَ
Waxaana idiinku sugan Xoolaha Cibrad (Waano qaadasho) waxaana idinka waraabinaa waxa ku sugan Caloosheeda Digo iyo Dhiig dhexdooda ah Caano Saafi ah oo u fudud kuwa Cabbi.
وَمِنْ ثَمَرَاتِ النَّخِيلِ وَالْأَعْنَابِ تَتَّخِذُونَ مِنْهُ سَكَرًا وَرِزْقًا حَسَنًا ۗ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً لِقَوْمٍ يَعْقِلُونَ
iyo Midhaha Timirta iyo Cinabka ood ka yeelataan Cabbid iyo Risqi Fiican, Arrintaasna Calaamadbaa ugu sugan cidii wax kasi.
وَأَوْحَىٰ رَبُّكَ إِلَى النَّحْلِ أَنِ اتَّخِذِي مِنَ الْجِبَالِ بُيُوتًا وَمِنَ الشَّجَرِ وَمِمَّا يَعْرِشُونَ
Wuxuu u Waxyooday (ku Ilhaameeyey) Eebahaa Shinnida ka yeelo Buuraha Guryo iyo Geedaha iyo waxay Dhistaan.
ثُمَّ كُلِي مِنْ كُلِّ الثَّمَرَاتِ فَاسْلُكِي سُبُلَ رَبِّكِ ذُلُلًا ۚ يَخْرُجُ مِنْ بُطُونِهَا شَرَابٌ مُخْتَلِفٌ أَلْوَانُهُ فِيهِ شِفَاءٌ لِلنَّاسِ ۗ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً لِقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ
Markaas Cun Midho kasta xaggooda qaadna Jidadka Eebahaa oo laylyan, waxaana ka soo baxa Calooshooda Cabbid kala duwantahay Midabkoodu dhexdiisana waxaa ah Daawo Dadka Arrintaasna Calaamaa ugu sugan ciddii Fikiri.
وَاللَّهُ خَلَقَكُمْ ثُمَّ يَتَوَفَّاكُمْ ۚ وَمِنْكُمْ مَنْ يُرَدُّ إِلَىٰ أَرْذَلِ الْعُمُرِ لِكَيْ لَا يَعْلَمَ بَعْدَ عِلْمٍ شَيْئًا ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ قَدِيرٌ
Eebaa idin abuuray markaas idin oofsan (Dili) waxaana idinka mida cid loo eelin (la gaadhsiin) cimriga ugu liita inuusan ogaan waxba cilmi «ogaansho» dabadiis, Eebana wax walba waa ogyahay karaana.

Choose other languages: