Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Maeda Ayahs #11 Translated in Somali

5:7
وَاذْكُرُوا نِعْمَةَ اللَّهِ عَلَيْكُمْ وَمِيثَاقَهُ الَّذِي وَاثَقَكُمْ بِهِ إِذْ قُلْتُمْ سَمِعْنَا وَأَطَعْنَا ۖ وَاتَّقُوا اللَّهَ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ بِذَاتِ الصُّدُورِ
Xusuusta Nicmada Eebe iyo Ballankiisa uu idin kula Ballamay markaad Dhahdeen waan maqalay waana adeecnay kana Dhawrsada Eebe ILIeen ILaahay waa Ogyahay waxa Laabta ku Sugane.
5:8
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُونُوا قَوَّامِينَ لِلَّهِ شُهَدَاءَ بِالْقِسْطِ ۖ وَلَا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَىٰ أَلَّا تَعْدِلُوا ۚ اعْدِلُوا هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَىٰ ۖ وَاتَّقُوا اللَّهَ ۚ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ
Kuwa (xaqa) Rumeeyow Noqda kuwa Istaaga (u Darban) dar Eebe oo ku marag kaca Caddaalad yeyna idinku Xambaarin Cadhada qoom inaydaan Caddaalad falin, Caddaalad fala iyadaa u dhaw Dhawrsashada (Eebe) kana Dhawrsada ILaahay, Eebe waa Ogyahay waxaad falaysaane.
5:9
وَعَدَ اللَّهُ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ ۙ لَهُمْ مَغْفِرَةٌ وَأَجْرٌ عَظِيمٌ
Wuxuu u Yaboohay Eebe kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo falay Camal Fiican inuu u sugnaaday Dambi dhaaf iyo Ajir wayn.
وَالَّذِينَ كَفَرُوا وَكَذَّبُوا بِآيَاتِنَا أُولَٰئِكَ أَصْحَابُ الْجَحِيمِ
Kuwa Gaaloobay oo Beeniyey Aayaadkannaga kuwaasu waa Asaxaabta (Ehelka) Jaxiimo.
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اذْكُرُوا نِعْمَتَ اللَّهِ عَلَيْكُمْ إِذْ هَمَّ قَوْمٌ أَنْ يَبْسُطُوا إِلَيْكُمْ أَيْدِيَهُمْ فَكَفَّ أَيْدِيَهُمْ عَنْكُمْ ۖ وَاتَّقُوا اللَّهَ ۚ وَعَلَى اللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ الْمُؤْمِنُونَ
Kuwa (xaqa) Rumeeyow Xusuusta Nicmada Eebe korkiinna markay Hamiyeen «dooneen» qoom inay idinku Fidiyaan (Xumaan) Gacmahooda oo (Eebe) idinka reebay Gacmohooda Xaggiina kana Dhawrsada Eebe, Ilaahayna ha tala Saarteen Mu'miniintu.

Choose other languages: