Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Hadid Ayahs #12 Translated in Somali

وَمَا لَكُمْ لَا تُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ ۙ وَالرَّسُولُ يَدْعُوكُمْ لِتُؤْمِنُوا بِرَبِّكُمْ وَقَدْ أَخَذَ مِيثَاقَكُمْ إِنْ كُنْتُمْ مُؤْمِنِينَ
Maxaad leedihiin ood la rumayn waydeen Eebe, isagoo Rasuulkuna idiinku yeedhi inaad rumaysaan Eebihiin, isagoo Eeba ballan idinka qaaday haddaad mu'miniin tihiin.
هُوَ الَّذِي يُنَزِّلُ عَلَىٰ عَبْدِهِ آيَاتٍ بَيِّنَاتٍ لِيُخْرِجَكُمْ مِنَ الظُّلُمَاتِ إِلَى النُّورِ ۚ وَإِنَّ اللَّهَ بِكُمْ لَرَءُوفٌ رَحِيمٌ
Eebe waa ka soo dajiyay Aayaad cadcad si uu idiinka bixiyo mugdiga, Nuurna idiinku bixiyo, Eebana waa idiin naxariis badanyahay.
وَمَا لَكُمْ أَلَّا تُنْفِقُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ وَلِلَّهِ مِيرَاثُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ لَا يَسْتَوِي مِنْكُمْ مَنْ أَنْفَقَ مِنْ قَبْلِ الْفَتْحِ وَقَاتَلَ ۚ أُولَٰئِكَ أَعْظَمُ دَرَجَةً مِنَ الَّذِينَ أَنْفَقُوا مِنْ بَعْدُ وَقَاتَلُوا ۚ وَكُلًّا وَعَدَ اللَّهُ الْحُسْنَىٰ ۚ وَاللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ
Maxaad leedihiin ood wax ugu bixinwaydeen Jidka Eebe isagoo Samaawaadka iyo Dhulka dhaxalkooda iska leeyahay, masinna Ruux wax bixiyay Maka furashadeedii ka hor oo Jahaaday, kuwaasaa ka Ajri wayn kuwii bixiyay oo dagaalamay ka dib, dhammaantoodna Eebe wuxuu u yaboohay wanaag, Eebana waa ogyahay waxaad camal falaysaan.
مَنْ ذَا الَّذِي يُقْرِضُ اللَّهَ قَرْضًا حَسَنًا فَيُضَاعِفَهُ لَهُ وَلَهُ أَجْرٌ كَرِيمٌ
Waa kuma kan Eebe amaah wanaagsan amaahin (wax bixin) oo markaas uu u laablaabo, Ajri wanaagsanna hela.
يَوْمَ تَرَى الْمُؤْمِنِينَ وَالْمُؤْمِنَاتِ يَسْعَىٰ نُورُهُمْ بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَبِأَيْمَانِهِمْ بُشْرَاكُمُ الْيَوْمَ جَنَّاتٌ تَجْرِي مِنْ تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا ۚ ذَٰلِكَ هُوَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ
(Xusuusta) Maalinta aad arki Mu'miniinta Rag iyo Haweenba iyagoo nuurkoodu socda hortooda iyo Midigtooda, waxaana lagu dhihi bishaaraysta Maanta, waa Jannooyin Ay dureeri dhexdooda Wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda, taasina waa liibaan wayn.

Choose other languages: