Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Baqara Ayahs #228 Translated in Somali

وَلَا تَجْعَلُوا اللَّهَ عُرْضَةً لِأَيْمَانِكُمْ أَنْ تَبَرُّوا وَتَتَّقُوا وَتُصْلِحُوا بَيْنَ النَّاسِ ۗ وَاللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ
ha uga yeelina Eebe kabdhood dhaartiinna adinkoon samo falayn oo dhawrsanayn, oo hagaajineyn Dadka dhexdiisa, Eebana waa maqle wax og.
لَا يُؤَاخِذُكُمُ اللَّهُ بِاللَّغْوِ فِي أَيْمَانِكُمْ وَلَٰكِنْ يُؤَاخِذُكُمْ بِمَا كَسَبَتْ قُلُوبُكُمْ ۗ وَاللَّهُ غَفُورٌ حَلِيمٌ
iddin ma qabanayo Eebe dhaar qasad la 'aaneed, wuxuuse idiin qaban waxay kasbatay quluubtiinnu, Eebana waa dambi dhaafe dul badan.
لِلَّذِينَ يُؤْلُونَ مِنْ نِسَائِهِمْ تَرَبُّصُ أَرْبَعَةِ أَشْهُرٍ ۖ فَإِنْ فَاءُوا فَإِنَّ اللَّهَ غَفُورٌ رَحِيمٌ
kuwa ka dhaarta Haweenkooda (tan iyo muddo) waxaa la sugi afar bilood, hadday ka noqdanna Eebe waa dambi dhaafe naxariista.
وَإِنْ عَزَمُوا الطَّلَاقَ فَإِنَّ اللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٌ
hadday goostaan furidna Eebe waa maqle oge ah.
وَالْمُطَلَّقَاتُ يَتَرَبَّصْنَ بِأَنْفُسِهِنَّ ثَلَاثَةَ قُرُوءٍ ۚ وَلَا يَحِلُّ لَهُنَّ أَنْ يَكْتُمْنَ مَا خَلَقَ اللَّهُ فِي أَرْحَامِهِنَّ إِنْ كُنَّ يُؤْمِنَّ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ ۚ وَبُعُولَتُهُنَّ أَحَقُّ بِرَدِّهِنَّ فِي ذَٰلِكَ إِنْ أَرَادُوا إِصْلَاحًا ۚ وَلَهُنَّ مِثْلُ الَّذِي عَلَيْهِنَّ بِالْمَعْرُوفِ ۚ وَلِلرِّجَالِ عَلَيْهِنَّ دَرَجَةٌ ۗ وَاللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ
Haweenka la furayna waxay sugi naftoodu saddex daahir, mana u banaana inay qariyaan waxa Eebe ku abuuray Makaankooda haddy yihiin kuwo rumeeyey Eebe iyo Maalinta dambe. Ragoodaana ku xaq badan soo celintooda arrintaas (cidadaas dhexdeeda) hadday doonaan wannag, Haweenkuna waxaay leeyihiin wax la mid ah waxa korkooda ah si fiican, Raggase waxaa ugu sugnaa korkooda Darajo (Dheeraad) Eebana waa adkaade falsan.

Choose other languages: