Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Baqara Ayahs #221 Translated in Somali

يَسْأَلُونَكَ عَنِ الشَّهْرِ الْحَرَامِ قِتَالٍ فِيهِ ۖ قُلْ قِتَالٌ فِيهِ كَبِيرٌ ۖ وَصَدٌّ عَنْ سَبِيلِ اللَّهِ وَكُفْرٌ بِهِ وَالْمَسْجِدِ الْحَرَامِ وَإِخْرَاجُ أَهْلِهِ مِنْهُ أَكْبَرُ عِنْدَ اللَّهِ ۚ وَالْفِتْنَةُ أَكْبَرُ مِنَ الْقَتْلِ ۗ وَلَا يَزَالُونَ يُقَاتِلُونَكُمْ حَتَّىٰ يَرُدُّوكُمْ عَنْ دِينِكُمْ إِنِ اسْتَطَاعُوا ۚ وَمَنْ يَرْتَدِدْ مِنْكُمْ عَنْ دِينِهِ فَيَمُتْ وَهُوَ كَافِرٌ فَأُولَٰئِكَ حَبِطَتْ أَعْمَالُهُمْ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ ۖ وَأُولَٰئِكَ أَصْحَابُ النَّارِ ۖ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ
waxay ku warsan Dagaalka Bisha xurmaysan (Rajab iyo wax la mid ah) waxaad dhahdaa dagaalku dhexdiisa waa waynyahay, ka celinta Jidka Eebe iyo ka Gaalowgiisa iyo Masaajidka xurmeysan iyo ka bixinta ehelkiisa yaase kaga wayn Eebe agtiisa. Gaalaynta Dadka yaana ka wayn Dilka, kama tagaan gaalada inay idinla dagaalamaan intay idinka eeliyaan Diintiinna hadday karaan, ruuxii ka ridooba Diintiisa oo dhinta isagoo Gaal ah kuwaasi waa kuwa buray camalkoodu adduun iyo aakhiraba kuwaasina waa Naarta Ehelkeeda, wayna kuwaari dhedeeda.
إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَالَّذِينَ هَاجَرُوا وَجَاهَدُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ أُولَٰئِكَ يَرْجُونَ رَحْمَتَ اللَّهِ ۚ وَاللَّهُ غَفُورٌ رَحِيمٌ
kuwa rumeeyey Xaqa iyo kuwii Hijrooday ee ku jahaaday Jidka Eebe kuwaasi waxay rajayn naxariista Eebe, Eebana waa dambidhaafe naxariista.
يَسْأَلُونَكَ عَنِ الْخَمْرِ وَالْمَيْسِرِ ۖ قُلْ فِيهِمَا إِثْمٌ كَبِيرٌ وَمَنَافِعُ لِلنَّاسِ وَإِثْمُهُمَا أَكْبَرُ مِنْ نَفْعِهِمَا ۗ وَيَسْأَلُونَكَ مَاذَا يُنْفِقُونَ قُلِ الْعَفْوَ ۗ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ اللَّهُ لَكُمُ الْآيَاتِ لَعَلَّكُمْ تَتَفَكَّرُونَ
waxay ku waydiin Khamrada iyo Qamaarka waxaad dhahdaa waxaa ku sugan dhexdooda Dambi weyn, iyo wax Naefi ah dambigooda yaana ka weyn naefigooda, waxayna kuwaydiin maxay bixiyaan, waxaad dhahdaa (bixiya) saa'idka, saasuuna Eebe idinku caddayn aayadihiisa waxaadna mudantihiin inaad fikirtaan.
فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ ۗ وَيَسْأَلُونَكَ عَنِ الْيَتَامَىٰ ۖ قُلْ إِصْلَاحٌ لَهُمْ خَيْرٌ ۖ وَإِنْ تُخَالِطُوهُمْ فَإِخْوَانُكُمْ ۚ وَاللَّهُ يَعْلَمُ الْمُفْسِدَ مِنَ الْمُصْلِحِ ۚ وَلَوْ شَاءَ اللَّهُ لَأَعْنَتَكُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ
adduun iyo aakhiraba (inaad ka fikirtaan) waxayna ku waydiin agoonta, waxaad dhahdaa wanaajintooda yaa kahyrbadan, haddaad dheehdaana waa Walaalihin, Eebana waa ogyahay cidda waz fasaadin iyo kan hagaajin, haduu doono Eebana wuu idin dhibi lahaa, Eebana waa adkaade falsan.
وَلَا تَنْكِحُوا الْمُشْرِكَاتِ حَتَّىٰ يُؤْمِنَّ ۚ وَلَأَمَةٌ مُؤْمِنَةٌ خَيْرٌ مِنْ مُشْرِكَةٍ وَلَوْ أَعْجَبَتْكُمْ ۗ وَلَا تُنْكِحُوا الْمُشْرِكِينَ حَتَّىٰ يُؤْمِنُوا ۚ وَلَعَبْدٌ مُؤْمِنٌ خَيْرٌ مِنْ مُشْرِكٍ وَلَوْ أَعْجَبَكُمْ ۗ أُولَٰئِكَ يَدْعُونَ إِلَى النَّارِ ۖ وَاللَّهُ يَدْعُو إِلَى الْجَنَّةِ وَالْمَغْفِرَةِ بِإِذْنِهِ ۖ وَيُبَيِّنُ آيَاتِهِ لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ
ha guursanina Haweenka mushrikaadka ah, intay ka rumeeyaan, addoon rumaysan xaqa yaa ka khayr roon mid mushrikad ah (Eebe la wadaasjisay cibaada) haba idiin yaabgaliso, hana u guurinina ragga mushrikiinta ah intay ka rumeyn, addoon rumeeyey xaqa yaa ka khayr badan mid mushrik ah haba idin yaab galiyee, kuwaasu waxay idiin ku yeedhi Naarta, Eebana wuxuu idiin ku yeedhi Janno iyo Dambidhaaf idinkiisa, wuxuuna u caddayn aayaadkiisa Dadka si ay u xusuustaan.

Choose other languages: