Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Baqara Ayahs #153 Translated in Somali

وَمِنْ حَيْثُ خَرَجْتَ فَوَلِّ وَجْهَكَ شَطْرَ الْمَسْجِدِ الْحَرَامِ ۖ وَإِنَّهُ لَلْحَقُّ مِنْ رَبِّكَ ۗ وَمَا اللَّهُ بِغَافِلٍ عَمَّا تَعْمَلُونَ
meelkastood u baxdo u jeedi Wajigaaga xagga Masjidka Xurmaysan, Xaqu xagga Eebahaa buu ka ahaaday Eebana Ma Mooga Waxaad Falaysaan.
وَمِنْ حَيْثُ خَرَجْتَ فَوَلِّ وَجْهَكَ شَطْرَ الْمَسْجِدِ الْحَرَامِ ۚ وَحَيْثُ مَا كُنْتُمْ فَوَلُّوا وُجُوهَكُمْ شَطْرَهُ لِئَلَّا يَكُونَ لِلنَّاسِ عَلَيْكُمْ حُجَّةٌ إِلَّا الَّذِينَ ظَلَمُوا مِنْهُمْ فَلَا تَخْشَوْهُمْ وَاخْشَوْنِي وَلِأُتِمَّ نِعْمَتِي عَلَيْكُمْ وَلَعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ
meelkastood u baxdana jeedi wajigaada xaggisa Masjidka Xurmaysan, meelkastood joogtaanna u jeediya Wajiyadiinna xagiisa, si ayna xujo ugu ahaan Dadka Korkiinna, kuwa Daalimiinta ah mooeye (ee gardarada ku sooda) hana ka cabsanina ee aniga iga cabsada, waxaana idiin taamyeeli (dhamayn) Nemadayda si aad u hanuuntaan.
كَمَا أَرْسَلْنَا فِيكُمْ رَسُولًا مِنْكُمْ يَتْلُو عَلَيْكُمْ آيَاتِنَا وَيُزَكِّيكُمْ وَيُعَلِّمُكُمُ الْكِتَابَ وَالْحِكْمَةَ وَيُعَلِّمُكُمْ مَا لَمْ تَكُونُوا تَعْلَمُونَ
«waan idiin Niemeynay» sidaan idinku dirnay dhexdiina Rassul idinkamid ah oo idinku akhriya Aayaadkanaga, oo idin daahiriya, oo idin bara Kitaabka (Quraanka) iyo Sunada Nabiga, idinna bara waxaydaan aqoonin.
فَاذْكُرُونِي أَذْكُرْكُمْ وَاشْكُرُوا لِي وَلَا تَكْفُرُونِ
ee I xusa aan idin Xusee (ajir idin siiyee) iguna mahadiya hana iga Gaaloobina.
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اسْتَعِينُوا بِالصَّبْرِ وَالصَّلَاةِ ۚ إِنَّ اللَّهَ مَعَ الصَّابِرِينَ
kuwa (Xaga) rumeeyow kaalmaysta Samir iyo Salaad, Eebe wuxuu la jiraa kuwa Samree.

Choose other languages: