Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Baqara Ayahs #152 Translated in Somali

وَلِكُلٍّ وِجْهَةٌ هُوَ مُوَلِّيهَا ۖ فَاسْتَبِقُوا الْخَيْرَاتِ ۚ أَيْنَ مَا تَكُونُوا يَأْتِ بِكُمُ اللَّهُ جَمِيعًا ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ
cidwalba waxay leedaahay joho ay dhawrto (raaedana) ee u oratama Wanaaga, meelkastood ahaataana Eebe wuu idin keeni (oo idin kulmin) dhammaantiin, Eebana wax walba wuu karaa (haduu doono),
وَمِنْ حَيْثُ خَرَجْتَ فَوَلِّ وَجْهَكَ شَطْرَ الْمَسْجِدِ الْحَرَامِ ۖ وَإِنَّهُ لَلْحَقُّ مِنْ رَبِّكَ ۗ وَمَا اللَّهُ بِغَافِلٍ عَمَّا تَعْمَلُونَ
meelkastood u baxdo u jeedi Wajigaaga xagga Masjidka Xurmaysan, Xaqu xagga Eebahaa buu ka ahaaday Eebana Ma Mooga Waxaad Falaysaan.
وَمِنْ حَيْثُ خَرَجْتَ فَوَلِّ وَجْهَكَ شَطْرَ الْمَسْجِدِ الْحَرَامِ ۚ وَحَيْثُ مَا كُنْتُمْ فَوَلُّوا وُجُوهَكُمْ شَطْرَهُ لِئَلَّا يَكُونَ لِلنَّاسِ عَلَيْكُمْ حُجَّةٌ إِلَّا الَّذِينَ ظَلَمُوا مِنْهُمْ فَلَا تَخْشَوْهُمْ وَاخْشَوْنِي وَلِأُتِمَّ نِعْمَتِي عَلَيْكُمْ وَلَعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ
meelkastood u baxdana jeedi wajigaada xaggisa Masjidka Xurmaysan, meelkastood joogtaanna u jeediya Wajiyadiinna xagiisa, si ayna xujo ugu ahaan Dadka Korkiinna, kuwa Daalimiinta ah mooeye (ee gardarada ku sooda) hana ka cabsanina ee aniga iga cabsada, waxaana idiin taamyeeli (dhamayn) Nemadayda si aad u hanuuntaan.
كَمَا أَرْسَلْنَا فِيكُمْ رَسُولًا مِنْكُمْ يَتْلُو عَلَيْكُمْ آيَاتِنَا وَيُزَكِّيكُمْ وَيُعَلِّمُكُمُ الْكِتَابَ وَالْحِكْمَةَ وَيُعَلِّمُكُمْ مَا لَمْ تَكُونُوا تَعْلَمُونَ
«waan idiin Niemeynay» sidaan idinku dirnay dhexdiina Rassul idinkamid ah oo idinku akhriya Aayaadkanaga, oo idin daahiriya, oo idin bara Kitaabka (Quraanka) iyo Sunada Nabiga, idinna bara waxaydaan aqoonin.
فَاذْكُرُونِي أَذْكُرْكُمْ وَاشْكُرُوا لِي وَلَا تَكْفُرُونِ
ee I xusa aan idin Xusee (ajir idin siiyee) iguna mahadiya hana iga Gaaloobina.

Choose other languages: