Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Anaam Ayahs #106 Translated in Somali

ذَٰلِكُمُ اللَّهُ رَبُّكُمْ ۖ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ خَالِقُ كُلِّ شَيْءٍ فَاعْبُدُوهُ ۚ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ وَكِيلٌ
Kaasi waa Eebihiin isaga mooyee ILaah kale ma jiro wax kastana isagaa Abuuray ee Caabuda wax walbana isagaa u Wakiil ah (ILaaliya).
لَا تُدْرِكُهُ الْأَبْصَارُ وَهُوَ يُدْرِكُ الْأَبْصَارَ ۖ وَهُوَ اللَّطِيفُ الْخَبِيرُ
Ma haleesho Aragti Isagaase Haleela Aragtida (Wuu arkaa Eebe lamase Arko adduunka) Waana wax Oge Xeeldheer.
قَدْ جَاءَكُمْ بَصَائِرُ مِنْ رَبِّكُمْ ۖ فَمَنْ أَبْصَرَ فَلِنَفْسِهِ ۖ وَمَنْ عَمِيَ فَعَلَيْهَا ۚ وَمَا أَنَا عَلَيْكُمْ بِحَفِيظٍ
Waxaa idiin Yimid (Idin soo Gaadhay) Xujooyin Eebihiin ka yimid Ciddii Aragta (ku Hanuunta) Naftiisa umbuu wax u taray Cidii ka Indho Beeshana Naftiisuu Dhibay, anna ma ihi mid idin ILaalin.
وَكَذَٰلِكَ نُصَرِّفُ الْآيَاتِ وَلِيَقُولُوا دَرَسْتَ وَلِنُبَيِّنَهُ لِقَوْمٍ يَعْلَمُونَ
Saasaannu u gagadinnaa (Caddaynaa) Aayaadka inay Dhahaan waad Akhrisatay iyo Inaan u Caddayno Ciddii wax Garan.
اتَّبِعْ مَا أُوحِيَ إِلَيْكَ مِنْ رَبِّكَ ۖ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ وَأَعْرِضْ عَنِ الْمُشْرِكِينَ
Raac nabiyow waxa lagaaga Waxyooday Xagga Eebahaa ILaahay mooyee Eebe kalana ma jiro kana Jeedso Mushrikiinta.

Choose other languages: