Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Anaam Ayahs #103 Translated in Somali

وَهُوَ الَّذِي أَنْزَلَ مِنَ السَّمَاءِ مَاءً فَأَخْرَجْنَا بِهِ نَبَاتَ كُلِّ شَيْءٍ فَأَخْرَجْنَا مِنْهُ خَضِرًا نُخْرِجُ مِنْهُ حَبًّا مُتَرَاكِبًا وَمِنَ النَّخْلِ مِنْ طَلْعِهَا قِنْوَانٌ دَانِيَةٌ وَجَنَّاتٍ مِنْ أَعْنَابٍ وَالزَّيْتُونَ وَالرُّمَّانَ مُشْتَبِهًا وَغَيْرَ مُتَشَابِهٍ ۗ انْظُرُوا إِلَىٰ ثَمَرِهِ إِذَا أَثْمَرَ وَيَنْعِهِ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكُمْ لَآيَاتٍ لِقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ
Eebe waa kan ka soo Dejiya Samada Biyo kuna soo Bixinno Doog Cagaaran oon ka soo Saarro Midho kala Koreeya, Timirtana Fiiddeeda ah Laamo Dhow, Beerana (waan ku so Bixinaa) oo ah Cinab, Zaytuun, Rummaan (qaar) Isu eg, iyo Qaar aan Isu Ekayn, Daya Midhihiisa markuu Midho Dhalo iyo Bisaylkiisa Taasina Calaamaa ugu Sugan Ciddii wax Rumayn.
وَجَعَلُوا لِلَّهِ شُرَكَاءَ الْجِنَّ وَخَلَقَهُمْ ۖ وَخَرَقُوا لَهُ بَنِينَ وَبَنَاتٍ بِغَيْرِ عِلْمٍ ۚ سُبْحَانَهُ وَتَعَالَىٰ عَمَّا يَصِفُونَ
Waxay u Yeeleen Gaalado Eebe Shurako Jinni ah Isagoo Abuuray waxay ku Sheegeen(Been) Eebe Wiilal iyo Gabdho Iyagoon wax Ogayn, waa ka Nasahanyahay Eebe waana ka Sarreeyaa waxay ku Sheegi.
بَدِيعُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۖ أَنَّىٰ يَكُونُ لَهُ وَلَدٌ وَلَمْ تَكُنْ لَهُ صَاحِبَةٌ ۖ وَخَلَقَ كُلَّ شَيْءٍ ۖ وَهُوَ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمٌ
Eebe waa Kan Abuuray Samooyinka iyo Dhulka sideese Ilmo ugu ahaan Isagoon Haweenay lahayn wax walbana Abuuray wax kastana Og.
ذَٰلِكُمُ اللَّهُ رَبُّكُمْ ۖ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ خَالِقُ كُلِّ شَيْءٍ فَاعْبُدُوهُ ۚ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ وَكِيلٌ
Kaasi waa Eebihiin isaga mooyee ILaah kale ma jiro wax kastana isagaa Abuuray ee Caabuda wax walbana isagaa u Wakiil ah (ILaaliya).
لَا تُدْرِكُهُ الْأَبْصَارُ وَهُوَ يُدْرِكُ الْأَبْصَارَ ۖ وَهُوَ اللَّطِيفُ الْخَبِيرُ
Ma haleesho Aragti Isagaase Haleela Aragtida (Wuu arkaa Eebe lamase Arko adduunka) Waana wax Oge Xeeldheer.

Choose other languages: