Quran Apps in many lanuages:

Surah Yunus Ayahs #104 Translated in Somali

وَمَا كَانَ لِنَفْسٍ أَنْ تُؤْمِنَ إِلَّا بِإِذْنِ اللَّهِ ۚ وَيَجْعَلُ الرِّجْسَ عَلَى الَّذِينَ لَا يَعْقِلُونَ
nafuna ma rumeyso idanka Eebe ka dib mooyee, wuxuuna Eebe yeelaa xumaanta kuwaan wax kasayn korkooda.
قُلِ انْظُرُوا مَاذَا فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ وَمَا تُغْنِي الْآيَاتُ وَالنُّذُرُ عَنْ قَوْمٍ لَا يُؤْمِنُونَ
waxaad dhahdaa daya waxa ku sugan Samooyinka iyo Dhulka waxna kama deeqaan Aayado (Calaamooyin) iyo Digid qoom aan rumeyn (Xaqa).
فَهَلْ يَنْتَظِرُونَ إِلَّا مِثْلَ أَيَّامِ الَّذِينَ خَلَوْا مِنْ قَبْلِهِمْ ۚ قُلْ فَانْتَظِرُوا إِنِّي مَعَكُمْ مِنَ الْمُنْتَظِرِينَ
ma waxay sugi waxaan ahayn Ayaamihii kuwii tagay hortood oo kale, waxaad dhahdaa suga anna waan idinla sugiye.
ثُمَّ نُنَجِّي رُسُلَنَا وَالَّذِينَ آمَنُوا ۚ كَذَٰلِكَ حَقًّا عَلَيْنَا نُنْجِ الْمُؤْمِنِينَ
markaasaan korinnaa Rasuulada iyo kuwa rumeeyey saasaana Xaq nagu ah, inaan u korinno Mu'miniinta.
قُلْ يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنْ كُنْتُمْ فِي شَكٍّ مِنْ دِينِي فَلَا أَعْبُدُ الَّذِينَ تَعْبُدُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ وَلَٰكِنْ أَعْبُدُ اللَّهَ الَّذِي يَتَوَفَّاكُمْ ۖ وَأُمِرْتُ أَنْ أَكُونَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ
waxaad dhahdaa Dadow hadaad tihiin kuwo shakisan diintayda Caabudi maayo waxaad caabudaysaan oo Eebe ka soo hadhay waxaanse Caabudi Eebaha idin Dili, waxaana lay faray inaan ka mid noqdo Mu'iniinta.

Choose other languages: