Quran Apps in many lanuages:

Surah Saba Ayahs #42 Translated in Somali

وَالَّذِينَ يَسْعَوْنَ فِي آيَاتِنَا مُعَاجِزِينَ أُولَٰئِكَ فِي الْعَذَابِ مُحْضَرُونَ
Kuwa u socda ka (reebidda) aayaadkanaga iyagoo isleh Eebe daaliya, kuwaas waxaa lagu kulmin cadaab.
قُلْ إِنَّ رَبِّي يَبْسُطُ الرِّزْقَ لِمَنْ يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ وَيَقْدِرُ لَهُ ۚ وَمَا أَنْفَقْتُمْ مِنْ شَيْءٍ فَهُوَ يُخْلِفُهُ ۖ وَهُوَ خَيْرُ الرَّازِقِينَ
Waxaad dhahdaa Eebehay wuxuu risqiga u fidiyaa cidduu doono oo addoomadiisa ka mid ah, kuu doonana wuu ku cidhiidhyaa, waxaad bixisaan oo kastana Eebaa idiin bedeli, Eebena isagaa u khayroon wax wax arsaaqa.
وَيَوْمَ يَحْشُرُهُمْ جَمِيعًا ثُمَّ يَقُولُ لِلْمَلَائِكَةِ أَهَٰؤُلَاءِ إِيَّاكُمْ كَانُوا يَعْبُدُونَ
Xusuuso maalinta uu Eebe kulmin dhamaan gaalada, markaas uu ku odhan malaa'igtiisa kuwani ma idinkay idin caabudi jireen.
قَالُوا سُبْحَانَكَ أَنْتَ وَلِيُّنَا مِنْ دُونِهِمْ ۖ بَلْ كَانُوا يَعْبُدُونَ الْجِنَّ ۖ أَكْثَرُهُمْ بِهِمْ مُؤْمِنُونَ
Markaas ay dhihi adaa ceeb ka fog Eebow, adaa gargaarahanaga ah iyaga ka sokay, waxayse caabudi jireen Jinni badidoodna isagay rumaysnaayeen.
فَالْيَوْمَ لَا يَمْلِكُ بَعْضُكُمْ لِبَعْضٍ نَفْعًا وَلَا ضَرًّا وَنَقُولُ لِلَّذِينَ ظَلَمُوا ذُوقُوا عَذَابَ النَّارِ الَّتِي كُنْتُمْ بِهَا تُكَذِّبُونَ
Maantase «Qiyaamada» uma hanato qaarkiin qaarkakale naefi iyo dhib midna. waxaana ku dhahaynaa kuwii dulmi falay dhadhamiya cadaabka naartaad beeninayseen.

Choose other languages: