Quran Apps in many lanuages:

Surah Saba Ayahs #13 Translated in Somali

أَفَلَمْ يَرَوْا إِلَىٰ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ مِنَ السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ ۚ إِنْ نَشَأْ نَخْسِفْ بِهِمُ الْأَرْضَ أَوْ نُسْقِطْ عَلَيْهِمْ كِسَفًا مِنَ السَّمَاءِ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً لِكُلِّ عَبْدٍ مُنِيبٍ
Miyeyna arkaynin waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah oo samo iyo dhul ah hadaan doono waxaanu la goyn dhulka, mise waxaan ku soo rideynaa goosimo samada kamid ah arintaasna aayadbaa ugu sugan adoonkastoo towbadkeen badan.
وَلَقَدْ آتَيْنَا دَاوُودَ مِنَّا فَضْلًا ۖ يَا جِبَالُ أَوِّبِي مَعَهُ وَالطَّيْرَ ۖ وَأَلَنَّا لَهُ الْحَدِيدَ
Dhab ahaanbaan u siinay Nabi Daawuud fadli (dheeraad) xaganaga ah, waxaana nidhi buurahoow ka celceliya tasbiixda, shimbirahoowna (la celceliya tasbiixda,) waxaana u jilcincy birta.
أَنِ اعْمَلْ سَابِغَاتٍ وَقَدِّرْ فِي السَّرْدِ ۖ وَاعْمَلُوا صَالِحًا ۖ إِنِّي بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ
Waxaana ku nidhi ka samce dirieyada (dharka dagaalka) sugna tixiddeeda wanaagna fala, waxaad faleeysaana waan arkaa.
وَلِسُلَيْمَانَ الرِّيحَ غُدُوُّهَا شَهْرٌ وَرَوَاحُهَا شَهْرٌ ۖ وَأَسَلْنَا لَهُ عَيْنَ الْقِطْرِ ۖ وَمِنَ الْجِنِّ مَنْ يَعْمَلُ بَيْنَ يَدَيْهِ بِإِذْنِ رَبِّهِ ۖ وَمَنْ يَزِغْ مِنْهُمْ عَنْ أَمْرِنَا نُذِقْهُ مِنْ عَذَابِ السَّعِيرِ
Nabi suleymaanna waxaan u Sakhirray dabeysha, kallahaadeedu waabil, carraabaheeduna waa bil, waxaan u dureeriney il Nuxaad ah (maar) Jinigana waxaa ka mid ah kuwo ku hor shaqeeya idanka Eebe, ruuxii ka mid ah oo ka iilata amarkanaga waxaan dhadhansiineeynaa cadaabka saciiro.
يَعْمَلُونَ لَهُ مَا يَشَاءُ مِنْ مَحَارِيبَ وَتَمَاثِيلَ وَجِفَانٍ كَالْجَوَابِ وَقُدُورٍ رَاسِيَاتٍ ۚ اعْمَلُوا آلَ دَاوُودَ شُكْرًا ۚ وَقَلِيلٌ مِنْ عِبَادِيَ الشَّكُورُ
Waxay u sameyn suleymaan wuxuu doono oo mixraabyo (Fooqaq) iyo suurooyin, iyo xeedhooyin dar oo kale ah, iyo dharyo sugan, waxaana ku nidhi fala ehelka Daawuudow mahadnaq, waxaana yar adoomadayda shugriga badan.

Choose other languages: