Quran Apps in many lanuages:

Surah Ghafir Ayahs #15 Translated in Somali

قَالُوا رَبَّنَا أَمَتَّنَا اثْنَتَيْنِ وَأَحْيَيْتَنَا اثْنَتَيْنِ فَاعْتَرَفْنَا بِذُنُوبِنَا فَهَلْ إِلَىٰ خُرُوجٍ مِنْ سَبِيلٍ
Waxay dhihi Eebow waxaad na dishay laba jeer waxaadna na noolaysay laba jeer waana qiranay dambiganagii ee ma suuroowdaa jid naarta looga baxo.
ذَٰلِكُمْ بِأَنَّهُ إِذَا دُعِيَ اللَّهُ وَحْدَهُ كَفَرْتُمْ ۖ وَإِنْ يُشْرَكْ بِهِ تُؤْمِنُوا ۚ فَالْحُكْمُ لِلَّهِ الْعَلِيِّ الْكَبِيرِ
Arrintaas waxaa ugu wacan in marka loo yeedho Eebe kaliya aad gaaloowdaan, haddii wax lala wadaajiyana aad rumeysaan xukunka dhamantiisna Eebaa iska leh ee sarreeya waynna.
هُوَ الَّذِي يُرِيكُمْ آيَاتِهِ وَيُنَزِّلُ لَكُمْ مِنَ السَّمَاءِ رِزْقًا ۚ وَمَا يَتَذَكَّرُ إِلَّا مَنْ يُنِيبُ
Eebe waa kan idin tusiya aayaadkiisa idiinkana soodajiya Samada Rizqi (Roob) mana xusuusto ruux Eebe unoqon mooyee.
فَادْعُوا اللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ وَلَوْ كَرِهَ الْكَافِرُونَ
Ee bari (Caabud) Eebe adoo ukali yeeli cibaadada haba naceen gaaladuye.
رَفِيعُ الدَّرَجَاتِ ذُو الْعَرْشِ يُلْقِي الرُّوحَ مِنْ أَمْرِهِ عَلَىٰ مَنْ يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ لِيُنْذِرَ يَوْمَ التَّلَاقِ
Eebe waa kan ay sarrayso darajadiisu (waxna koryeela) carshigana iska leh, kuna soo dajiya waxyigiisa (iyo jibriil) oo ah amarkiisa cidduu doono oo adoomadiisa ah, si uu uga digo maalinta kulanka (Qiyaamada).

Choose other languages: