Quran Apps in many lanuages:

Surah Ghafir Ayahs #14 Translated in Somali

إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا يُنَادَوْنَ لَمَقْتُ اللَّهِ أَكْبَرُ مِنْ مَقْتِكُمْ أَنْفُسَكُمْ إِذْ تُدْعَوْنَ إِلَى الْإِيمَانِ فَتَكْفُرُونَ
Kuwa gaaloobay waxaa loogu dhawaaqaa (qiyaamada) cadhada Eebaa ka wayn cadhadaad naftiina ucadhootaan, maxaayeelay waxaa laydiinku yeedhi Jiray Iimaanka markaasaad gaaloobayseen.
قَالُوا رَبَّنَا أَمَتَّنَا اثْنَتَيْنِ وَأَحْيَيْتَنَا اثْنَتَيْنِ فَاعْتَرَفْنَا بِذُنُوبِنَا فَهَلْ إِلَىٰ خُرُوجٍ مِنْ سَبِيلٍ
Waxay dhihi Eebow waxaad na dishay laba jeer waxaadna na noolaysay laba jeer waana qiranay dambiganagii ee ma suuroowdaa jid naarta looga baxo.
ذَٰلِكُمْ بِأَنَّهُ إِذَا دُعِيَ اللَّهُ وَحْدَهُ كَفَرْتُمْ ۖ وَإِنْ يُشْرَكْ بِهِ تُؤْمِنُوا ۚ فَالْحُكْمُ لِلَّهِ الْعَلِيِّ الْكَبِيرِ
Arrintaas waxaa ugu wacan in marka loo yeedho Eebe kaliya aad gaaloowdaan, haddii wax lala wadaajiyana aad rumeysaan xukunka dhamantiisna Eebaa iska leh ee sarreeya waynna.
هُوَ الَّذِي يُرِيكُمْ آيَاتِهِ وَيُنَزِّلُ لَكُمْ مِنَ السَّمَاءِ رِزْقًا ۚ وَمَا يَتَذَكَّرُ إِلَّا مَنْ يُنِيبُ
Eebe waa kan idin tusiya aayaadkiisa idiinkana soodajiya Samada Rizqi (Roob) mana xusuusto ruux Eebe unoqon mooyee.
فَادْعُوا اللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ وَلَوْ كَرِهَ الْكَافِرُونَ
Ee bari (Caabud) Eebe adoo ukali yeeli cibaadada haba naceen gaaladuye.

Choose other languages: