Quran Apps in many lanuages:

Surah Fussilat Ayahs #23 Translated in Somali

وَيَوْمَ يُحْشَرُ أَعْدَاءُ اللَّهِ إِلَى النَّارِ فَهُمْ يُوزَعُونَ
(u sheeg gaalada) Maalinta lagu kulmin colka Eebe naarta iyagoo is cidhiidhyi.
حَتَّىٰ إِذَا مَا جَاءُوهَا شَهِدَ عَلَيْهِمْ سَمْعُهُمْ وَأَبْصَارُهُمْ وَجُلُودُهُمْ بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ
Markay yimaaddaana uu ku maragfuro korkooda, maqalkooda, aragoodu, iyo haragoodu (jidhkoodu) waxay falijireen.
وَقَالُوا لِجُلُودِهِمْ لِمَ شَهِدْتُمْ عَلَيْنَا ۖ قَالُوا أَنْطَقَنَا اللَّهُ الَّذِي أَنْطَقَ كُلَّ شَيْءٍ وَهُوَ خَلَقَكُمْ أَوَّلَ مَرَّةٍ وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ
ayna ku dhahaan korkooda (Jidhkooda) maxaad noogu marag kacdeen, ayna ku dhahaan waxaa naga hadliyey Eebaha ka hadliya wax kasta, isagaana idin abuuray markii hore xagiisana laydiin celin.
وَمَا كُنْتُمْ تَسْتَتِرُونَ أَنْ يَشْهَدَ عَلَيْكُمْ سَمْعُكُمْ وَلَا أَبْصَارُكُمْ وَلَا جُلُودُكُمْ وَلَٰكِنْ ظَنَنْتُمْ أَنَّ اللَّهَ لَا يَعْلَمُ كَثِيرًا مِمَّا تَعْمَلُونَ
Mana aydaan ahayn kuwa iska astura inay ku maragkacaan jidhkiinu, araggiinu iyo haraggiinu, inuusan Eebe ogayn wax badan ood falaysaan.
وَذَٰلِكُمْ ظَنُّكُمُ الَّذِي ظَنَنْتُمْ بِرَبِّكُمْ أَرْدَاكُمْ فَأَصْبَحْتُمْ مِنَ الْخَاسِرِينَ
kaasina waa malihiinii aad u malayseen Eebihiin isagaana idin halaagay, waxaadna ahateen kuwo khasaaray.

Choose other languages: