Surah At-Tawba Ayahs #28 Translated in Somali
قُلْ إِنْ كَانَ آبَاؤُكُمْ وَأَبْنَاؤُكُمْ وَإِخْوَانُكُمْ وَأَزْوَاجُكُمْ وَعَشِيرَتُكُمْ وَأَمْوَالٌ اقْتَرَفْتُمُوهَا وَتِجَارَةٌ تَخْشَوْنَ كَسَادَهَا وَمَسَاكِنُ تَرْضَوْنَهَا أَحَبَّ إِلَيْكُمْ مِنَ اللَّهِ وَرَسُولِهِ وَجِهَادٍ فِي سَبِيلِهِ فَتَرَبَّصُوا حَتَّىٰ يَأْتِيَ اللَّهُ بِأَمْرِهِ ۗ وَاللَّهُ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الْفَاسِقِينَ
waxaad dhahdaa haddaad aabayaalkiin, caruurtiinna, walaalihiin, haweenkiinna, qaraabadiinna, xoolo aad kasbateen, ganacsi aad ka cabsanaysaan inuu baaro iyo guryo aad ka raalli tihiin ka jeeeeshihiin Ilaahay, rasuulkiisa iyo jahaad jidkiisa suga inta Eebe ka keeni amarkiisa, Eebana ma hanuuniyo qoomka faasiqiinta ah.
لَقَدْ نَصَرَكُمُ اللَّهُ فِي مَوَاطِنَ كَثِيرَةٍ ۙ وَيَوْمَ حُنَيْنٍ ۙ إِذْ أَعْجَبَتْكُمْ كَثْرَتُكُمْ فَلَمْ تُغْنِ عَنْكُمْ شَيْئًا وَضَاقَتْ عَلَيْكُمُ الْأَرْضُ بِمَا رَحُبَتْ ثُمَّ وَلَّيْتُمْ مُدْبِرِينَ
wuxuu idiinku gargaaray Eebe meelo badan iyo maalintii xunayn markay idin cajabisay badnidiinnii oona waxba iddin tarin dhulkuna idinku cidhiidyamay isagoo waasaca markaas aad jeedsateen idinkoo carari.
ثُمَّ أَنْزَلَ اللَّهُ سَكِينَتَهُ عَلَىٰ رَسُولِهِ وَعَلَى الْمُؤْمِنِينَ وَأَنْزَلَ جُنُودًا لَمْ تَرَوْهَا وَعَذَّبَ الَّذِينَ كَفَرُوا ۚ وَذَٰلِكَ جَزَاءُ الْكَافِرِينَ
markaas Eebe ku soo dajiyey xasilkiisii Rasuulkiisii iyo Mu'miniintii kuna soo dejiyey junuud aydaan arkayn uuna cadaabay kuwii gaaloobay, taasina waa abaalka gaalada.
ثُمَّ يَتُوبُ اللَّهُ مِنْ بَعْدِ ذَٰلِكَ عَلَىٰ مَنْ يَشَاءُ ۗ وَاللَّهُ غَفُورٌ رَحِيمٌ
markaas Eebe ka toobad aqbalo intaas ka dib cidduu doono Eebana waa dambi dhaaafe naxariista.
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِنَّمَا الْمُشْرِكُونَ نَجَسٌ فَلَا يَقْرَبُوا الْمَسْجِدَ الْحَرَامَ بَعْدَ عَامِهِمْ هَٰذَا ۚ وَإِنْ خِفْتُمْ عَيْلَةً فَسَوْفَ يُغْنِيكُمُ اللَّهُ مِنْ فَضْلِهِ إِنْ شَاءَ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ حَكِيمٌ
kuwa xaqa rumeeyow mushrikiintu (Gaalada) waa nijaas ee yeyna masaajidka xurmaysan u dhawaanin sanadkan ka dib, haddaad ka cabsataan saboolnimana wuxuu idinku hodmin Eebe fadligiisa hadduu doono illeen waa oge falsane.
Choose other languages:

Albanian

Amharic

Azerbaijani

Bengali

Bosnian

Bulgarian

Burmese

Chinese

Danish

Dutch

English

Farsi

Filipino

French

Fulah

German

Gujarati

Hausa

Hindi

Indonesian

Italian

Japanese

Jawa

Kazakh

Khmer

Korean

Kurdish

Kyrgyz

Malay

Malayalam

Norwegian

Pashto

Persian

Polish

Portuguese

Punjabi

Russian

Sindhi

Sinhalese

Somali

Spanish

Swahili

Swedish

Tajik

Tamil

Tatar

Telugu

Thai

Turkish

Urdu

Uyghur

Uzbek

Vietnamese

Yoruba
