Surah At-Tahrim Ayahs #8 Translated in Somali
إِنْ تَتُوبَا إِلَى اللَّهِ فَقَدْ صَغَتْ قُلُوبُكُمَا ۖ وَإِنْ تَظَاهَرَا عَلَيْهِ فَإِنَّ اللَّهَ هُوَ مَوْلَاهُ وَجِبْرِيلُ وَصَالِحُ الْمُؤْمِنِينَ ۖ وَالْمَلَائِكَةُ بَعْدَ ذَٰلِكَ ظَهِيرٌ
Haddaad Eebe u noqotaan inkastoo qalbigiinnu iishay (Eebe wuu idiin dhaafi) haddaadse isu kaalmaysataan Nabiga (dhibkiisa) waxaa u gargaari Eebe, Jibriil iyo kuwa suuban ee Mu'miniinta ah Malaa'igta (kalana) markaas ka dib yey xoojin.
عَسَىٰ رَبُّهُ إِنْ طَلَّقَكُنَّ أَنْ يُبْدِلَهُ أَزْوَاجًا خَيْرًا مِنْكُنَّ مُسْلِمَاتٍ مُؤْمِنَاتٍ قَانِتَاتٍ تَائِبَاتٍ عَابِدَاتٍ سَائِحَاتٍ ثَيِّبَاتٍ وَأَبْكَارًا
Wuxuu Eebe u dhawyahay in Nabigu hadduu idin furo (Haweenka Nabiga qaarkood) idiinkuna beddelo kuwa idinka khayr roon oo ah Muslimiin, Mu'miniin ah adeeca Eebe, Toobad keena, Eeba caabuda, Soomana kuwa horay loo guursaday iyo kuwo aan hadda ka hor la guursanba leh.
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا قُوا أَنْفُسَكُمْ وَأَهْلِيكُمْ نَارًا وَقُودُهَا النَّاسُ وَالْحِجَارَةُ عَلَيْهَا مَلَائِكَةٌ غِلَاظٌ شِدَادٌ لَا يَعْصُونَ اللَّهَ مَا أَمَرَهُمْ وَيَفْعَلُونَ مَا يُؤْمَرُونَ
Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawra Naftiina iyo ehelkiinna naar lagu shido dad iyo dhagax ay kana (shaqeeyaan) malaa'ig adag oo daran oon Eebe ku caasiyeyn wuxuu faro, falana wixii la amru.
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ كَفَرُوا لَا تَعْتَذِرُوا الْيَوْمَ ۖ إِنَّمَا تُجْزَوْنَ مَا كُنْتُمْ تَعْمَلُونَ
Kuwa Gaaloobow ha cudur daaranina maanta (Qiyaamada) waxaa laydinka abaal marin uun waxaad camal fali jirteen.
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا تُوبُوا إِلَى اللَّهِ تَوْبَةً نَصُوحًا عَسَىٰ رَبُّكُمْ أَنْ يُكَفِّرَ عَنْكُمْ سَيِّئَاتِكُمْ وَيُدْخِلَكُمْ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِنْ تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ يَوْمَ لَا يُخْزِي اللَّهُ النَّبِيَّ وَالَّذِينَ آمَنُوا مَعَهُ ۖ نُورُهُمْ يَسْعَىٰ بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَبِأَيْمَانِهِمْ يَقُولُونَ رَبَّنَا أَتْمِمْ لَنَا نُورَنَا وَاغْفِرْ لَنَا ۖ إِنَّكَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ
Kuwa xaqa rumeeyow u toobad keena Eebe toobad san, wuxuu Eebe u dhawyahay inuu asturo xumaantiina, idin geliyana Jannooyin ay dureerayso dhexdooda Wabiyaal, Maalinta uusan Eebe hoojinayn Nabiga iyo kuwa la jooga, nuurkooduna wuxuu socon hortooda iyo midigtooda iyagoo dhihi Eebow noo tam yeel Nuurkanaga noona dambi dhaaf'adaa wax walba karee.
Choose other languages:

Albanian

Amharic

Azerbaijani

Bengali

Bosnian

Bulgarian

Burmese

Chinese

Danish

Dutch

English

Farsi

Filipino

French

Fulah

German

Gujarati

Hausa

Hindi

Indonesian

Italian

Japanese

Jawa

Kazakh

Khmer

Korean

Kurdish

Kyrgyz

Malay

Malayalam

Norwegian

Pashto

Persian

Polish

Portuguese

Punjabi

Russian

Sindhi

Sinhalese

Somali

Spanish

Swahili

Swedish

Tajik

Tamil

Tatar

Telugu

Thai

Turkish

Urdu

Uyghur

Uzbek

Vietnamese

Yoruba
