Quran Apps in many lanuages:

Surah As-Saaffat Ayahs #117 Translated in Somali

وَبَارَكْنَا عَلَيْهِ وَعَلَىٰ إِسْحَاقَ ۚ وَمِنْ ذُرِّيَّتِهِمَا مُحْسِنٌ وَظَالِمٌ لِنَفْسِهِ مُبِينٌ
Waana barakaynay Ibraahim iyo Isxaaqba, waxaana ka mid ah faracooda mid samagala iyo mid naftiisa si cad u dulmiya.
وَلَقَدْ مَنَنَّا عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَارُونَ
Dhab ahaan yaan ugu mannaysanay (ugunicmeeynay) Nabi Muuse iyo NabiHaruun (Nabinimo).
وَنَجَّيْنَاهُمَا وَقَوْمَهُمَا مِنَ الْكَرْبِ الْعَظِيمِ
Waana ka korinay iyaga iyo Qoomkooda dhibaatadii waynayd.
وَنَصَرْنَاهُمْ فَكَانُوا هُمُ الْغَالِبِينَ
Waana u gargaaray, waxayna noqdeen kuwo adkaaday (sareeyey).
وَآتَيْنَاهُمَا الْكِتَابَ الْمُسْتَبِينَ
waxaana siinay Kitaabkii caddaa.

Choose other languages: