Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Maeda Ayahs #25 Translated in Somali

يَا قَوْمِ ادْخُلُوا الْأَرْضَ الْمُقَدَّسَةَ الَّتِي كَتَبَ اللَّهُ لَكُمْ وَلَا تَرْتَدُّوا عَلَىٰ أَدْبَارِكُمْ فَتَنْقَلِبُوا خَاسِرِينَ
Qoomkayow gala Dhulka la Daahiriyey oo idiinyaboohay Eebe hana u noqonina Gadaashiinna oo gadoontaan idinkoo Kashaaray.
قَالُوا يَا مُوسَىٰ إِنَّ فِيهَا قَوْمًا جَبَّارِينَ وَإِنَّا لَنْ نَدْخُلَهَا حَتَّىٰ يَخْرُجُوا مِنْهَا فَإِنْ يَخْرُجُوا مِنْهَا فَإِنَّا دَاخِلُونَ
Waxay dheheen Muusow waxaa (Dhulka) Dhexdiisa ah qoom daran mana galayno intay ka baxaan xaggeeda hadday ka baxaanna waanu gali.
قَالَ رَجُلَانِ مِنَ الَّذِينَ يَخَافُونَ أَنْعَمَ اللَّهُ عَلَيْهِمَا ادْخُلُوا عَلَيْهِمُ الْبَابَ فَإِذَا دَخَلْتُمُوهُ فَإِنَّكُمْ غَالِبُونَ ۚ وَعَلَى اللَّهِ فَتَوَكَّلُوا إِنْ كُنْتُمْ مُؤْمِنِينَ
waxay Dheheen Labo Nin oo ka mid ah kuwa ka Cabsada (Eebe) una Niemeeyey Eebe uga gala albaabka Markaad gashaan idinkaa Adkaane, Eebana tala saarta haddad Mu'miniin tihiin.
قَالُوا يَا مُوسَىٰ إِنَّا لَنْ نَدْخُلَهَا أَبَدًا مَا دَامُوا فِيهَا ۖ فَاذْهَبْ أَنْتَ وَرَبُّكَ فَقَاتِلَا إِنَّا هَاهُنَا قَاعِدُونَ
Waxay dheheen Muusow anagu ma galayno Waligeed intay joogaan ee taga adiga iyo Eebaha oo la dagaalama anagu halkanaan Fadhiyeynaaye.
قَالَ رَبِّ إِنِّي لَا أَمْلِكُ إِلَّا نَفْسِي وَأَخِي ۖ فَافْرُقْ بَيْنَنَا وَبَيْنَ الْقَوْمِ الْفَاسِقِينَ
Wuxuu yidhi (Nabi) Muuse Eebow ma hanto Naftayda iyo Walaalkay Mooyee ee nakala Bixi (Xukun) Dhexdannada iyo Qoomka Faasiqiinta ah (Xun).

Choose other languages: