Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Isra Ayahs #102 Translated in Somali

ذَٰلِكَ جَزَاؤُهُمْ بِأَنَّهُمْ كَفَرُوا بِآيَاتِنَا وَقَالُوا أَإِذَا كُنَّا عِظَامًا وَرُفَاتًا أَإِنَّا لَمَبْعُوثُونَ خَلْقًا جَدِيدًا
taasina waa Abaalkooda ah inay ka gaaloobeen Aayaadkanaga, oy dheheen markaan lafo noqonno iyo burbur miyaa nala soo bixin Abuur Cusub.
أَوَلَمْ يَرَوْا أَنَّ اللَّهَ الَّذِي خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ قَادِرٌ عَلَىٰ أَنْ يَخْلُقَ مِثْلَهُمْ وَجَعَلَ لَهُمْ أَجَلًا لَا رَيْبَ فِيهِ فَأَبَى الظَّالِمُونَ إِلَّا كُفُورًا
miyeyna ogayn Eebaha Abuuray Samooyinka iyo Dhulka inuu karo inuu Abuuro wax la mida una yeelo muddo aan shaki lahayn, wayse diideen Daalimiintii Gaalimo mooyee (wax kale).
قُلْ لَوْ أَنْتُمْ تَمْلِكُونَ خَزَائِنَ رَحْمَةِ رَبِّي إِذًا لَأَمْسَكْتُمْ خَشْيَةَ الْإِنْفَاقِ ۚ وَكَانَ الْإِنْسَانُ قَتُورًا
waxaad dhadaa idinku haddaad hanataan khasnadaha Naxariista Eebahay waad xajisan lahaydeen ka cabsi faqri, Dadku waa Bakhayl.
وَلَقَدْ آتَيْنَا مُوسَىٰ تِسْعَ آيَاتٍ بَيِّنَاتٍ ۖ فَاسْأَلْ بَنِي إِسْرَائِيلَ إِذْ جَاءَهُمْ فَقَالَ لَهُ فِرْعَوْنُ إِنِّي لَأَظُنُّكَ يَا مُوسَىٰ مَسْحُورًا
waxaan dhab u siinay (Nabi) Muuse sagaal Aayadood (Mucjiso) oo cad cad ee warso Binii Israa'iil markuu u yimid oo ku yidhi Fircoon waxaan kuu malayn Muusow mid la sixray.
قَالَ لَقَدْ عَلِمْتَ مَا أَنْزَلَ هَٰؤُلَاءِ إِلَّا رَبُّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ بَصَائِرَ وَإِنِّي لَأَظُنُّكَ يَا فِرْعَوْنُ مَثْبُورًا
wuxuuna yidhi (Nabi Muuse) waad ogtahay inuusan soo dejinin kuwaan waxaan Eebaha Samooyinka iyo Dhulka ahayn iyagoo xujooyin ah, anna waxaan kuu malayn Fircoonow mid la halaagi.

Choose other languages: