Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Isra Ayahs #33 Translated in Somali

وَلَا تَجْعَلْ يَدَكَ مَغْلُولَةً إِلَىٰ عُنُقِكَ وَلَا تَبْسُطْهَا كُلَّ الْبَسْطِ فَتَقْعُدَ مَلُومًا مَحْسُورًا
ha ka yeelin gacantaada mid ku xidhan Luquntaada hana wada fidin dhammaan ood noqoto mid la dagaalo oo tabar gaba.
إِنَّ رَبَّكَ يَبْسُطُ الرِّزْقَ لِمَنْ يَشَاءُ وَيَقْدِرُ ۚ إِنَّهُ كَانَ بِعِبَادِهِ خَبِيرًا بَصِيرًا
Eebahaa wuu u fidiya Risqiga cidduu doono wuuna u qaddaraa «cidhiidhyaa» (cidduu doono) illeen Eebe Addoomadiisa waa oge arkee.
وَلَا تَقْتُلُوا أَوْلَادَكُمْ خَشْيَةَ إِمْلَاقٍ ۖ نَحْنُ نَرْزُقُهُمْ وَإِيَّاكُمْ ۚ إِنَّ قَتْلَهُمْ كَانَ خِطْئًا كَبِيرًا
ha Dilina Caruurtiinna ka Cabsi Faqri (Saboolnimo) anagaa Arsaaqayna iyaga iyo idinkaba Dilkooduna waa Gaf wayn.
وَلَا تَقْرَبُوا الزِّنَا ۖ إِنَّهُ كَانَ فَاحِشَةً وَسَاءَ سَبِيلًا
Ha u dhawaanina sino Illeen waa xumaane Waddana u xune.
وَلَا تَقْتُلُوا النَّفْسَ الَّتِي حَرَّمَ اللَّهُ إِلَّا بِالْحَقِّ ۗ وَمَنْ قُتِلَ مَظْلُومًا فَقَدْ جَعَلْنَا لِوَلِيِّهِ سُلْطَانًا فَلَا يُسْرِفْ فِي الْقَتْلِ ۖ إِنَّهُ كَانَ مَنْصُورًا
Hana dilina Nafta Eebe xarrimay Xaq Mooyee, Ruuxii lagu dilo Gardarro waxaan u yeellay waligiisa Xujo ee yuusan ku xad gudbin Dilka waa loo Gargaaraye.

Choose other languages: