Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Isra Ayahs #29 Translated in Somali

رَبُّكُمْ أَعْلَمُ بِمَا فِي نُفُوسِكُمْ ۚ إِنْ تَكُونُوا صَالِحِينَ فَإِنَّهُ كَانَ لِلْأَوَّابِينَ غَفُورًا
Eebihiin wuu ogyahay waxa Natiinna ku Sugan, haddaad Suubantihiin isagu kuwa Toobad keenka badan wuu u Dhaafaa «Dambiga».
وَآتِ ذَا الْقُرْبَىٰ حَقَّهُ وَالْمِسْكِينَ وَابْنَ السَّبِيلِ وَلَا تُبَذِّرْ تَبْذِيرًا
Sii qaraabada xaqeeda iyo Miskiinka iyo socdaalka hana ku xadgudbin bixin Xadgudub (iyo si xun).
إِنَّ الْمُبَذِّرِينَ كَانُوا إِخْوَانَ الشَّيَاطِينِ ۖ وَكَانَ الشَّيْطَانُ لِرَبِّهِ كَفُورًا
illeen kuwa ku xadgudba waa walaalo Shaydaane, shaydaanna Eebihiis wuu ka gaaloobay.
وَإِمَّا تُعْرِضَنَّ عَنْهُمُ ابْتِغَاءَ رَحْمَةٍ مِنْ رَبِّكَ تَرْجُوهَا فَقُلْ لَهُمْ قَوْلًا مَيْسُورًا
haddaad ka jeedsato xaggooda (wax la'aan) adoo rajayn Naxariista Eebhaa ood rajayn waxaad ku dhahdaa hadal fudud (fiican).
وَلَا تَجْعَلْ يَدَكَ مَغْلُولَةً إِلَىٰ عُنُقِكَ وَلَا تَبْسُطْهَا كُلَّ الْبَسْطِ فَتَقْعُدَ مَلُومًا مَحْسُورًا
ha ka yeelin gacantaada mid ku xidhan Luquntaada hana wada fidin dhammaan ood noqoto mid la dagaalo oo tabar gaba.

Choose other languages: