Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Isra Ayahs #17 Translated in Somali

وَكُلَّ إِنْسَانٍ أَلْزَمْنَاهُ طَائِرَهُ فِي عُنُقِهِ ۖ وَنُخْرِجُ لَهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ كِتَابًا يَلْقَاهُ مَنْشُورًا
Ruux kasta waxaan Laasiminay Camalkiisa (loo Qaddaray) Luquntiisa, waxaana u soo bixinnaa Maalinta Qiyaame Kitaab uu la kulmi Isagoo fidsan.
اقْرَأْ كِتَابَكَ كَفَىٰ بِنَفْسِكَ الْيَوْمَ عَلَيْكَ حَسِيبًا
Laguna Dhihi akhri Kitaabkaaga isagaa kuugu Filan Maanta Korkaaga Xisaabe.
مَنِ اهْتَدَىٰ فَإِنَّمَا يَهْتَدِي لِنَفْسِهِ ۖ وَمَنْ ضَلَّ فَإِنَّمَا يَضِلُّ عَلَيْهَا ۚ وَلَا تَزِرُ وَازِرَةٌ وِزْرَ أُخْرَىٰ ۗ وَمَا كُنَّا مُعَذِّبِينَ حَتَّىٰ نَبْعَثَ رَسُولًا
Ruuxii Hanuuna wuxuu uun u Hanuunay Naftiisa kii Dhumana wuxuu uun u Dhumay Naftiisa, mana xambaarto Nafi Dambi Naf kale, mana Cadaabno intaan uga soo Dirro Rasuul.
وَإِذَا أَرَدْنَا أَنْ نُهْلِكَ قَرْيَةً أَمَرْنَا مُتْرَفِيهَا فَفَسَقُوا فِيهَا فَحَقَّ عَلَيْهَا الْقَوْلُ فَدَمَّرْنَاهَا تَدْمِيرًا
Markaan doono inaan Halaagno Qaryad waxaan farraa kuweeda loo Nicmeeyey «Khayr» markaasay ka Faasiqoobaan waxaana ku sugnaada Ciqaab waana Tirtirraa Tirtirid (Halaag).
وَكَمْ أَهْلَكْنَا مِنَ الْقُرُونِ مِنْ بَعْدِ نُوحٍ ۗ وَكَفَىٰ بِرَبِّكَ بِذُنُوبِ عِبَادِهِ خَبِيرًا بَصِيرًا
Imisaau Halaagnay Quruun (Nabi) Nuux ka dib Eebahaabaana ugu filan Dambiyada Addoomadiisa Ogaade Arka.

Choose other languages: