Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Baqara Ayahs #95 Translated in Somali

وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ آمِنُوا بِمَا أَنْزَلَ اللَّهُ قَالُوا نُؤْمِنُ بِمَا أُنْزِلَ عَلَيْنَا وَيَكْفُرُونَ بِمَا وَرَاءَهُ وَهُوَ الْحَقُّ مُصَدِّقًا لِمَا مَعَهُمْ ۗ قُلْ فَلِمَ تَقْتُلُونَ أَنْبِيَاءَ اللَّهِ مِنْ قَبْلُ إِنْ كُنْتُمْ مُؤْمِنِينَ
marka lagu yidhaah Yuhuudda rumeeya waxa Eebe soo dajiyey waxay dhahaan waxaannu rumeeyn waxa nalagu soo dejiyey, wayna ka gaaloobaan waxa ka dambeeyey, isagoo xaq ah oo rumeyn waxa agtooda ah, waxaad dhahdaa maxaad ugu disheen nabiyada Eebe horay haddaad Mu'miniin tihiin.
وَلَقَدْ جَاءَكُمْ مُوسَىٰ بِالْبَيِّنَاتِ ثُمَّ اتَّخَذْتُمُ الْعِجْلَ مِنْ بَعْدِهِ وَأَنْتُمْ ظَالِمُونَ
dhab ahaan yuu idiin la yimid (Nabi) Muuse mucjisooyin, markaasaad yeelateen Dibi (ilaah) isaga kadib idinkoo daalimiin ah.
وَإِذْ أَخَذْنَا مِيثَاقَكُمْ وَرَفَعْنَا فَوْقَكُمُ الطُّورَ خُذُوا مَا آتَيْنَاكُمْ بِقُوَّةٍ وَاسْمَعُوا ۖ قَالُوا سَمِعْنَا وَعَصَيْنَا وَأُشْرِبُوا فِي قُلُوبِهِمُ الْعِجْلَ بِكُفْرِهِمْ ۚ قُلْ بِئْسَمَا يَأْمُرُكُمْ بِهِ إِيمَانُكُمْ إِنْ كُنْتُمْ مُؤْمِنِينَ
xusa markaan idinka qaadnay ballan, korkiinana yeelay (Buurta Dhuur) oon idinku nidhi ku qaata waxaan idin siinay xoog (niyadadag) maqlana (xaqa) waxayna dheheen waan mawalay waana caasinay, waxaana laga waraabiyey quluubtooda (jacaylkii) Dibiga (ay caabudeen) gaalnimadooda darteed, waxaad dhahdaa waxaa xumaan badan wuxuu idinfarayo imaankiinu haddaad muuminiin tihiin.
قُلْ إِنْ كَانَتْ لَكُمُ الدَّارُ الْآخِرَةُ عِنْدَ اللَّهِ خَالِصَةً مِنْ دُونِ النَّاسِ فَتَمَنَّوُا الْمَوْتَ إِنْ كُنْتُمْ صَادِقِينَ
waxaad dhahdaa hadday daarta aakhiro idinka uun idiinsugnaatay Dadka kale ka sokow jeelaada geeti haddaad run sheeqaysaan.
وَلَنْ يَتَمَنَّوْهُ أَبَدًا بِمَا قَدَّمَتْ أَيْدِيهِمْ ۗ وَاللَّهُ عَلِيمٌ بِالظَّالِمِينَ
man jeelaanayaan (Geerida) waligood, waxat hormardadeen Gacmahoodu darteed, Eebana waa ogyahay daalimiinta.

Choose other languages: