Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Baqara Ayahs #65 Translated in Somali

وَإِذْ قُلْتُمْ يَا مُوسَىٰ لَنْ نَصْبِرَ عَلَىٰ طَعَامٍ وَاحِدٍ فَادْعُ لَنَا رَبَّكَ يُخْرِجْ لَنَا مِمَّا تُنْبِتُ الْأَرْضُ مِنْ بَقْلِهَا وَقِثَّائِهَا وَفُومِهَا وَعَدَسِهَا وَبَصَلِهَا ۖ قَالَ أَتَسْتَبْدِلُونَ الَّذِي هُوَ أَدْنَىٰ بِالَّذِي هُوَ خَيْرٌ ۚ اهْبِطُوا مِصْرًا فَإِنَّ لَكُمْ مَا سَأَلْتُمْ ۗ وَضُرِبَتْ عَلَيْهِمُ الذِّلَّةُ وَالْمَسْكَنَةُ وَبَاءُوا بِغَضَبٍ مِنَ اللَّهِ ۗ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ كَانُوا يَكْفُرُونَ بِآيَاتِ اللَّهِ وَيَقْتُلُونَ النَّبِيِّينَ بِغَيْرِ الْحَقِّ ۗ ذَٰلِكَ بِمَا عَصَوْا وَكَانُوا يَعْتَدُونَ
Xusa markaad dhahdeen Muusow kuma samrayno cunno kaliya ee noobari Eebaha ha noo soo bixiyo waxa dhulku soo dhaliyo, oo ah Bagal, Xinidh, Toon, cadas iyo Basal, wuxuuna ku yidhi mawaxaad ku bedalanaysaan wax xun kii khayrka badnaa, u (hoobta) daga masar waxaad helaysaan waxaad warsateen, waxaana laguqadaray dulli iyo miskiinimo, waxayna lanoqdeen cadho Eeve, arrintaasna waxaa ugu wacan inay yihiin kuwo ka Gaalooba aayaadka Eebe, dilayeenna Nabiyada xaql…aan, taasina waa caasinimadooda darteed iyo xadgudubkoodii.
إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَالَّذِينَ هَادُوا وَالنَّصَارَىٰ وَالصَّابِئِينَ مَنْ آمَنَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ وَعَمِلَ صَالِحًا فَلَهُمْ أَجْرُهُمْ عِنْدَ رَبِّهِمْ وَلَا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ
kuwwi rumeeyey iyo kuwii Yuhuudda ah iyo Nasaarada iyo saab'iiinta cidii rumeysa Eebe iyo Maalintii dambee oo camal suubanna falay waxay ku leeyihiin Eebe agtiisa ajir, cabsina korkooda ma noqoto mana tiiraanyoodan.
وَإِذْ أَخَذْنَا مِيثَاقَكُمْ وَرَفَعْنَا فَوْقَكُمُ الطُّورَ خُذُوا مَا آتَيْنَاكُمْ بِقُوَّةٍ وَاذْكُرُوا مَا فِيهِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ
Xusa markaan idinka qaadnay ballan (adag) oo korkiina yeelay (Buurta) Dhuur oon idinku nidhi ku qaata waxaan idinsiinay niyad adag, xusuustana waxa ku sugan, si aad u dhawrsataan.
ثُمَّ تَوَلَّيْتُمْ مِنْ بَعْدِ ذَٰلِكَ ۖ فَلَوْلَا فَضْلُ اللَّهِ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَتُهُ لَكُنْتُمْ مِنَ الْخَاسِرِينَ
markaasaad jeedsateen intaas ka dib, hadduusan jirin fadliga Eebe ee korkiina iyo naxariistiisa waxaad ahaan lahaydeen kuwa Khasaaray.
وَلَقَدْ عَلِمْتُمُ الَّذِينَ اعْتَدَوْا مِنْكُمْ فِي السَّبْتِ فَقُلْنَا لَهُمْ كُونُوا قِرَدَةً خَاسِئِينَ
dhab ahaanbaad u ogtihin kuwii xadgudbay Sabtida, oo idinka mid ah markaasaan ku nidhi noqda daanyeer la fageeyo (oo dullaysan).

Choose other languages: