Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Baqara Ayahs #204 Translated in Somali

فَإِذَا قَضَيْتُمْ مَنَاسِكَكُمْ فَاذْكُرُوا اللَّهَ كَذِكْرِكُمْ آبَاءَكُمْ أَوْ أَشَدَّ ذِكْرًا ۗ فَمِنَ النَّاسِ مَنْ يَقُولُ رَبَّنَا آتِنَا فِي الدُّنْيَا وَمَا لَهُ فِي الْآخِرَةِ مِنْ خَلَاقٍ
markaad gudataa camalkiina xusa Eebe saad u xustaan Aabayowgiin ama si ka daran u xusa, Dadka waxaa ka mid ah kuwo dhihi Eebow na sii adduunka wanaag, aan kuna lahayn Aakhiro qayb.
وَمِنْهُمْ مَنْ يَقُولُ رَبَّنَا آتِنَا فِي الدُّنْيَا حَسَنَةً وَفِي الْآخِرَةِ حَسَنَةً وَقِنَا عَذَابَ النَّارِ
waxaana ka mid ah Daka kuwo dhihi Eebow na sii adduunka wanaag, aakhirana nasii wanaag, nagana dheeree Cadaabka Naarta.
أُولَٰئِكَ لَهُمْ نَصِيبٌ مِمَّا كَسَبُوا ۚ وَاللَّهُ سَرِيعُ الْحِسَابِ
kuwaasi waxay mudan qayb waxay kasbadeen, Eebana waa degtaa xisaabtiisu.
وَاذْكُرُوا اللَّهَ فِي أَيَّامٍ مَعْدُودَاتٍ ۚ فَمَنْ تَعَجَّلَ فِي يَوْمَيْنِ فَلَا إِثْمَ عَلَيْهِ وَمَنْ تَأَخَّرَ فَلَا إِثْمَ عَلَيْهِ ۚ لِمَنِ اتَّقَىٰ ۗ وَاتَّقُوا اللَّهَ وَاعْلَمُوا أَنَّكُمْ إِلَيْهِ تُحْشَرُونَ
xusa Eebe maalmo la yaqaano «Iidda carafo dabadeed», ciddiise dag dagta laba maalmood dhexdood ma saarra dambi korkiisa ciddii dhawrsata, ka dhawrsada Eebe, ogaadana in xagiisa laydiin soo kulmin.
وَمِنَ النَّاسِ مَنْ يُعْجِبُكَ قَوْلُهُ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَيُشْهِدُ اللَّهَ عَلَىٰ مَا فِي قَلْبِهِ وَهُوَ أَلَدُّ الْخِصَامِ
Dadka waxaa ka mid ah mid ku yaab galin hadalkiisu noloshan adduun, maragna gashay Eebe waxa qalbigiisa ku sugan, isagoo dood badan.

Choose other languages: