Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Baqara Ayahs #147 Translated in Somali

وَكَذَٰلِكَ جَعَلْنَاكُمْ أُمَّةً وَسَطًا لِتَكُونُوا شُهَدَاءَ عَلَى النَّاسِ وَيَكُونَ الرَّسُولُ عَلَيْكُمْ شَهِيدًا ۗ وَمَا جَعَلْنَا الْقِبْلَةَ الَّتِي كُنْتَ عَلَيْهَا إِلَّا لِنَعْلَمَ مَنْ يَتَّبِعُ الرَّسُولَ مِمَّنْ يَنْقَلِبُ عَلَىٰ عَقِبَيْهِ ۚ وَإِنْ كَانَتْ لَكَبِيرَةً إِلَّا عَلَى الَّذِينَ هَدَى اللَّهُ ۗ وَمَا كَانَ اللَّهُ لِيُضِيعَ إِيمَانَكُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ بِالنَّاسِ لَرَءُوفٌ رَحِيمٌ
saasaan idinka dhignay umad caadil (khayr ah) si aad marag ugu noqotaan Dadka, Rasuulkuna idiinku noqdo markhaati, mana aa naan yeelin Qibladii aad qaablijirtay inay kala muuqato ruuxa Rasuulka raaca iyo kan dib u noqon (Gaaloobi) mooyee waana arrin kuweyn Dadka marka laga reebo kuwa Eebe hanuuniyey, Eebana ma dhumiyo limaankiinna (Salaadiina) Eebana waa u Naxariisbadanyahay Dadka.
قَدْ نَرَىٰ تَقَلُّبَ وَجْهِكَ فِي السَّمَاءِ ۖ فَلَنُوَلِّيَنَّكَ قِبْلَةً تَرْضَاهَا ۚ فَوَلِّ وَجْهَكَ شَطْرَ الْمَسْجِدِ الْحَرَامِ ۚ وَحَيْثُ مَا كُنْتُمْ فَوَلُّوا وُجُوهَكُمْ شَطْرَهُ ۗ وَإِنَّ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ لَيَعْلَمُونَ أَنَّهُ الْحَقُّ مِنْ رَبِّهِمْ ۗ وَمَا اللَّهُ بِغَافِلٍ عَمَّا يَعْمَلُونَ
dhabahaan yaan ugu jeednay gagadookna Wajigaaga ee Samada, waxaana kuu jeedinaynaa Qiblad aad ka raali noqon, ee u jeedi Wajigaaga xagga Masjidka Xurmeysan, meelkastood joogtana u jeediya Wajigiinna xagiisa, kuwa Kitaabka la siiyeyna waa ogyihiin in jeedintaas xaq Eebe tahay, Eebana ma halmaansana waxay Camal fali.
وَلَئِنْ أَتَيْتَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ بِكُلِّ آيَةٍ مَا تَبِعُوا قِبْلَتَكَ ۚ وَمَا أَنْتَ بِتَابِعٍ قِبْلَتَهُمْ ۚ وَمَا بَعْضُهُمْ بِتَابِعٍ قِبْلَةَ بَعْضٍ ۚ وَلَئِنِ اتَّبَعْتَ أَهْوَاءَهُمْ مِنْ بَعْدِ مَا جَاءَكَ مِنَ الْعِلْمِ ۙ إِنَّكَ إِذًا لَمِنَ الظَّالِمِينَ
hadaad ula timaado kuwa ehelu Kitaabka ah aayad kasta ma raacayaan Qibladaada adiguna ma raacaysid Qibladooda, qarkoodna ma aha kan raaca Qiblada qaarka kale, hadaad raaedowaxay jeceliyihiin Gaalada, inta cilmi kuu yimid (waxyiga Eebe), waxaad ka mid noqon daalimiinta.
الَّذِينَ آتَيْنَاهُمُ الْكِتَابَ يَعْرِفُونَهُ كَمَا يَعْرِفُونَ أَبْنَاءَهُمْ ۖ وَإِنَّ فَرِيقًا مِنْهُمْ لَيَكْتُمُونَ الْحَقَّ وَهُمْ يَعْلَمُونَ
kuwaan siinay Kitaabka waxay u yaqaanaan Nabiga (iyo xaquu la yimid) siday u yaqaanaan Caruurtooda. koox kamid ahna waxay qarin xaqa iyagoo og.
الْحَقُّ مِنْ رَبِّكَ ۖ فَلَا تَكُونَنَّ مِنَ الْمُمْتَرِينَ
xaqu wuxuu ka yimid xagga Eebahaa ee ha ka mid noqonin kuwa shakiya.

Choose other languages: