Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Araf Ayahs #42 Translated in Somali

قَالَ ادْخُلُوا فِي أُمَمٍ قَدْ خَلَتْ مِنْ قَبْلِكُمْ مِنَ الْجِنِّ وَالْإِنْسِ فِي النَّارِ ۖ كُلَّمَا دَخَلَتْ أُمَّةٌ لَعَنَتْ أُخْتَهَا ۖ حَتَّىٰ إِذَا ادَّارَكُوا فِيهَا جَمِيعًا قَالَتْ أُخْرَاهُمْ لِأُولَاهُمْ رَبَّنَا هَٰؤُلَاءِ أَضَلُّونَا فَآتِهِمْ عَذَابًا ضِعْفًا مِنَ النَّارِ ۖ قَالَ لِكُلٍّ ضِعْفٌ وَلَٰكِنْ لَا تَعْلَمُونَ
Wuxuu Yidhi Eebe la gala Naarta Umado hortiin Tegay oo Jinni iyo Insiba leh, markastooy Umadu Hasho waxay Laenadaa Walaasheed (Saaxiibkeed) markay isku haleelaan Dhammaantood Dhexdeedana waxay ku Dhahdaa Tan dambe wax (Raaeda) Tan hore la (Raaco) Eebow kuwanaa na Dhumiyey ee u Laablaab Cadaab, Eebe wuxuu Odhan mid kasta waa loo Laablaabi mase Ogidin.
وَقَالَتْ أُولَاهُمْ لِأُخْرَاهُمْ فَمَا كَانَ لَكُمْ عَلَيْنَا مِنْ فَضْلٍ فَذُوقُوا الْعَذَابَ بِمَا كُنْتُمْ تَكْسِبُونَ
Waxay ku Odhan Tan hore Tan Dambi wax Dheeraada naguma lihidin ee Dhadhamiya Cadaabka waxaad kasbanayseen Darteed.
إِنَّ الَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا وَاسْتَكْبَرُوا عَنْهَا لَا تُفَتَّحُ لَهُمْ أَبْوَابُ السَّمَاءِ وَلَا يَدْخُلُونَ الْجَنَّةَ حَتَّىٰ يَلِجَ الْجَمَلُ فِي سَمِّ الْخِيَاطِ ۚ وَكَذَٰلِكَ نَجْزِي الْمُجْرِمِينَ
Kuwa Beeniyey Aayadkanaga oo iska Kibriyey looma Furo Iridaha Samada mana Galaan Janada intuu ka Galo Riti Irbad Dulkeed Saasaana ku abaal marinaa Dambiilayaasha,
لَهُمْ مِنْ جَهَنَّمَ مِهَادٌ وَمِنْ فَوْقِهِمْ غَوَاشٍ ۚ وَكَذَٰلِكَ نَجْزِي الظَّالِمِينَ
Waxay ku Mudan Jahannamo Gogol korkoodana waxaa ahaan Dabool, Saasaana ku Abaal marinnaa Daalimiinta.
وَالَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَا نُكَلِّفُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا أُولَٰئِكَ أَصْحَابُ الْجَنَّةِ ۖ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ
Kuwa Rumeeyey Xaqa oo Falay Caml Fiican, kuma Mashaqaynno Naf waxayna Karin, Kuwaasu waa Janada Ehelkeeda wayna ku Dhex waari.

Choose other languages: