Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Araf Ayahs #176 Translated in Somali

وَإِذْ أَخَذَ رَبُّكَ مِنْ بَنِي آدَمَ مِنْ ظُهُورِهِمْ ذُرِّيَّتَهُمْ وَأَشْهَدَهُمْ عَلَىٰ أَنْفُسِهِمْ أَلَسْتُ بِرَبِّكُمْ ۖ قَالُوا بَلَىٰ ۛ شَهِدْنَا ۛ أَنْ تَقُولُوا يَوْمَ الْقِيَامَةِ إِنَّا كُنَّا عَنْ هَٰذَا غَافِلِينَ
(Xusuuso) markuu Eebahaa ka qabtay Dadka Dhabarkooda Faracoodii uuna marag uga Yeelay Naftooda, kuna Yidhi Miyaanaan Eebihiin ahayn, oy dhaheenna inaad Eebahanno tahay yaan Marag Kacnay, inaydaan dhihin Maalinta Qiyaame annagu Waan halmaansanayn kan.
أَوْ تَقُولُوا إِنَّمَا أَشْرَكَ آبَاؤُنَا مِنْ قَبْلُ وَكُنَّا ذُرِّيَّةً مِنْ بَعْدِهِمْ ۖ أَفَتُهْلِكُنَا بِمَا فَعَلَ الْمُبْطِلُونَ
Ama aydaan Dhihin waxaa wax la wadaajiyey (Edbe) Aabbayaalkanagii mar hore annaguna waxaan nahay farac ka Dambeeyey ee miyaad noo halaagi waxay faleen Xumo falayaal.
وَكَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ الْآيَاتِ وَلَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ
Saasaanu Caddaynaa Aayaadka iyo inay u Noqdaan Xaqa.
وَاتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ الَّذِي آتَيْنَاهُ آيَاتِنَا فَانْسَلَخَ مِنْهَا فَأَتْبَعَهُ الشَّيْطَانُ فَكَانَ مِنَ الْغَاوِينَ
Ku Akhri korkooda kii warkiisii aan Siinay Aayaadkanaga oo ka Siibtay Shaydaanna uu Raacay (Isaga) Noqdayna kuwa Baadida ah.
وَلَوْ شِئْنَا لَرَفَعْنَاهُ بِهَا وَلَٰكِنَّهُ أَخْلَدَ إِلَى الْأَرْضِ وَاتَّبَعَ هَوَاهُ ۚ فَمَثَلُهُ كَمَثَلِ الْكَلْبِ إِنْ تَحْمِلْ عَلَيْهِ يَلْهَثْ أَوْ تَتْرُكْهُ يَلْهَثْ ۚ ذَٰلِكَ مَثَلُ الْقَوْمِ الَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا ۚ فَاقْصُصِ الْقَصَصَ لَعَلَّهُمْ يَتَفَكَّرُونَ
Haddan Doonno waannu koryeeli lahayn, hasayeeshee wuxuu u iishay Dhulka (Adduunyo Jacayl) wuxuuna Raacay Hawadiisa, wuxuuna la mid yahay Eey haddaad Erido wuu lalmin Carrabka, haddaad Deysana wuu lalmin, saasna waa Masalka Qoomka Beeniyey Aayaadkanaga ee uga warran Qisooyin inay Waantoomaan.

Choose other languages: